Balad-Xaawo (AGGM): Gobolka Gedo ee dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan soo gaaray Wafdi ka socda Gudiyada Maamul usameeynta Jubboyinka iyo Gedo .
Wafdigaan ayaa inta uu ku sugnaa Gobolka Waxaa uu booqday Dagmooyinka Luuq, Doolow iyo Balad Xaawo halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeeshay Gudomiyeyaasha Dagmooyinka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Dagmooyinkaas.
Wafdigaan ayaa waxaa uu qaybaha kala duwan ee Bulshada 3daas Dagmo kala hadlay Arrimaha Maamul usameeynta Jubboyinka iyo Gedo waxaana Dhismaha Maamulkaan soo dhaweeyay Maamulada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dagmooyinkaas.
Waxaa sido kale Wafdigaan ay bilaaben Uruurinta Ergadi Gobolka Gedo uga qayb gali lahayd Shirweynaha Maamul usameeynta Jubboyinka iyo Gedo waxaana ilaa iyo hada la diyaariyay 100/70 Ergadi ka qayb gali lahayd Shirweeynaha Maamul usameeynta Jubboyinka iyo Gedo.
Wafdigaan ayaa waxaa uu maalmaha nagu soo aadan ku wajahan yahay Magaalada Garbahareey halkaas oo ay ku sugan yihiin Mas’uliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo waxaana lagu wadaa in halkaasi u ka dhaco kulan muhiim ah.
Dhanka kale Dagmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa la soo sheegay in Maamulka Dagmadaasi u diyaariyay Ergoyinki Dagmadaasi u matali lahayd Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaa kaliyah ee ay sugayaana ay tahay gadiidki qaadi lahaa Dagmoyinka kale ee diyaarshay Ergadi Shirka u matali lahayd ayaa waxaa ka mid ah Dagmoyinka Balad Xaawo,Luuq iyo Doloow waxaa kale oo jirta Ergoyin si duumasha ah uga yimid Dagmoyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee Gobolka Gedo oo wali ku jira gacanta Kooxda Al-Shabaab.
Isku soo wada duub oo Shacabka Gobolka Gedo ayaa waxaa ka war dhowrayaan kulanka muhiimka ah ee Magaalada Garbaharey ku dhexmari doona Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo ee ku kala aragtida duwan Maamul usameeynta Jubboyinka iyo Gedo inkasta oo shacabka Gobolka ay ka niyad jabeen hadal uu xalay BBC da siyay Maxamed Cabdi Kaliil kaas oo si isku mid ah ay uga careysiiyay Gudiyada Maamul usameeynta Jubboyinka iyo Gedo ee ku sugan Gobolka iyo Shacabka Gobolka ee u hanweeynaa Dhismaha Jubbaland.
Posted By Abdulkadir Jamac Halane
Baardheere Soomaaliya
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com