Muqdisho (AGGM): Wixii ka danbeeyay horaantii bishan oo uu Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya xili uu ahaa Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Gobalka bay ee Maamulka Dowlada C/fitaax Maxamed Ibraahin Geesey ayaa Gobalka Bay waxaa hareeyey Khilaaf xoogaan.
Khilaafka ka bilowdey magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka danbeeyay markii Geesey uu diidey inuu ka dego xilka Gudoomiyaha Gobalka, islamarkaana uu ku wareejiyo Gudoomiyaha cusub ee lasoo magacaaba ayaa waxaa arintaasi soo fara galiyey madaxweynaha Soomaaliya.
Maalintii shaley ayaa waxaa diyaarad uu soo direy Madaxweynaha Soomaaliya ay ka soo dagtey Magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi laga soo qaadey Gudoomiyihii xilkalaga qaadey ee Gobalkaasi C/fitaax Geesey.
C/fitaax Geesey oo hada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa lasoo sheegayaa in la dajiyey Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho,waxaana lagu wadaa in caawa kulan uu laqaato Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Geesey ayaa waxaa uu Madaxtooyada Soomaaliya laga sugayaa Halka saac ee caawa waxaana halkaasi ku sugaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud iyo madaxda kale oo Dowladda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaan la ogeyn waxa uu ku qancin doono Gudoomiyaha Gobalka Bay oo xilka qaadista diidey, isagoona Geesey ku doodayay in Gobalka ay ka dhacdo doorasho si shacabka ay u doortaan Gudoomiye cusub.
Hadii C/fitaax Geesey uu ogolaado inuu xilkaka dego ayaan la ogeyn sida Gudoomiyaha cusub ay u aqabalayaan inuu Gudoomiyaha barlamaanka uu soo magacaabo Gudoomiye Gobalka xili howshaas ay leedahay Wasaarada arimaha Gudaha.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com