Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan in manta Magaaladaasi uu ka dhacay kulan dhexmaray saraakiisha Amisom iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha Sade.
Kulankaan ayaa waxaa loga arinsanayay so afjarida shaqaaqadi ka dhacday magaalada Kismaayo maalmo ka hor waxaana odayaasha iyo saraakisha amisom ay isla fahmeen in laga gudbo .
Inta uu kulankaasi socday ayaa waxaa la isla gartay in Ciidamadi isku fara saray bartmaha magaalada in la wada keeno Airporka magaalada isla markaana la isku dhafo dib u habeyn na lagu sameeyo.
Wararki ugu danbeyay ee aanu kismaayo ka helnay ayaa waxaay sheegayaan in ay socoto soo dabulida ciidamadi iska hor imaadka uu dhex maray bartamaha magaalada.
Dhanka kale Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu bixiyay duugti dadki ku dhintay dagaalki ka dhacay magaalada kismaayo ayado qofkiba laga bixiyay 3000 kun oo dallar waxaana maamulku balanqaday in ay bixinayaan Magta dadki ku dhintay dagaaladi ka dhacay Kismaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com