Kismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay tibaxayaan in maanta magaaladaasi ay soo gaartay diyaarad ka timid Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Diyaaradan oo ay soo dirtay wasaarada Gaashandhiga Soomaaliya ayaa waxa ay waday qalab kala duwaan oo milatari oo ay ka mid yihiin dareska Ciidamada hub iyo rasaas Daawo iyo Raashin.
Diyaaradan ayaa waxa ay si toos ah uga soo dagatay garoonka diyaaradaha ee Axmed Gureey International Airport halkaas oo looga dajiyay qalabki ay waday.
Diyaaradaan ayaa waxa ay waday saraakiil Ciidan balse illa iyo hada mala cadayn karo xilalka ay hayaan saraakishaas iyo ujeedka socdaalkooda.
Saraakisha yimid iyo Saanadi ay wadeenba waxa ay u dhaqaaqeen dhanka Xerada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.
Imaanshaha Diyaaradan waday saraakisha iyo sanaadan kala duwan ayaa waxa ay daba socotay Wafdi sarakiil ah oo 3 maalin ka hor yimaday Magaalada Kismaayo.
Sida Allgalgaduud Media ay xog hoose ku heshay Sanadan Milatary ee la keenay ayaa waxaa lagu talagalay Ciidamadi dhawaan ka yimid Dagmada Ceelwaaq iyo Ciidamo kale oo ka tirsan Guutada 2aad ee Ciidamada xoga Soomaaliya ee uu taliyaha u yahay Gen Caanood oo maalmaha nagu soo fooda leh lagu keeni doono diyaarado.
—————————————
Maxamed Cabdi Cali
Kismaayo, Soomaaliya
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com