Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si xoogan u dhaleeceyay qaraxii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
“Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan eheladda iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen shacabkii maanta ku shahiiday qaraxii dhacay” saa waxaa yiri Madaxweynaha.
“Waxaan qiyaasi karnaa in ay qaraxan ka danbeeyaan Kooxda Al-Shabaab oo looga guuleysanayo dagaalkii dhanka militariga ahaa. Sidaas daraadeed waxey waqtigooda siiyeen in ay shacabka masaakiinta ah argagax geliyaan ayna si arxan darro ah u laayaan. Waa in aan si wada-jir ah ugu hor-jeesano cadawga”
“Waan guuleysanay waana sii guuleysan doonaa, cadawgan aduunka hoy kuma laho, sidaas darteedna waa in aan u diidnaa in Soomaaliyo uu hoy ku yeesho.”
“Mar kale Waxaan rabaa in aan u tacsiyeeyo shacabkii ku geeriyoday qaraxaas foosha xun ee ku yimid muwadiniinta Soomaaliyeed.”
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com