Gabaygaan waa gabay Diini ah waxaana curiyay Abwaan Xasan Bulxan Cali oo jooga magaalada Darwin ee dalka Australia, gabaygan ayaa waxa uu la magac baxay SIRTA KULAFAQ waxa uu isugu jiraa qoraal iyo maqalba ee bal nala dhagayso.
- Kelinimo sugnaanshale u qira, saatir waa axade
- Ku salliyoo rumee muxamed waa, suubanii nebiye
- Salaadda iyo soonkiyo xajkiyo, sadaqadii maalka
- Waajibaadka lagu saaray iyo, raac sunnada qaado
- Cibaadaa laguu suubsadee, saamac kelimaadka
- Caqli sugan samiic iyo basiir, siiye kuu unugye
- Saxa iyo xumaantana fahmada, sooce kala saarye
- Laba surin midkaad mari ogaal, waad la socotaaye
- Midna naarta kugu sii dhoweyn, salaw cadaabeede
- Kan kalana jannaduu kugu sugaa, soohdin loo bogaye
- Saacadaad khiyaar leedahay, dunidan suushaaye
- Nafta markaad sogootido hadhow, soo ceshooy malehe
- Saaxiib iyo qaraabiyo tolkaa, saacidkood dhimaye
- Camalkii saxnaabaad ka heli, saamaxaad dhabehe
- Sadaqiyo qaraabada waxsiin, waa sad dheeriyehe
- Sakaraadka geerida ayay, saad u noqotaaye
- Samhariiray kaa seexisaa, silica maantaase
- Sawdka fiican isaguna sidaas, waa sawaab jira e
- Falkastood samaysoo habboon, sadaqo weeyaane
- Saamaleylka salaaddii habeen, waa siraad koride
- Dadkoo seexday sacabada markii, samada loo taago
- Hungo sooma celiyoo rabbigay, sii wuxuu rabaye
- Sirta kula faq leylkii ilaah, wuu ku saamixiye
- Sacaadada qiyaamaha nin ogi, seyryay dunidiiye
- Si kastood barwaaqada saldano, saami kore gaadho
- Mawd seegi meysidoo hantida, waad ka socotaaye
- Halka aad siniin iyo miniin, joogin sahay qaado
- Shaydaan sixroolaa ku dhihi, sabadu waa guule
- Haka siisan wuxuu doonayaa, wehel saciiraade
- Waa kii sarreeyihi rabbigi sawd, ku caasiyaye
- Sujuuddii la faray waa midkii, diiday samaceede
- Siritaan khiyaamiyo dhibbuu, kuu saddahayaaye
- Soomalhaadka wuxuu doonayaa, silica kaagaahe
- Cadaw sugan inuu noo yuhuu, saatir noo dhigaye
- Iska suuli si uu kugu galaba, sibiq xaluushaaga
- Sumcadda iyo sharaftaadu waa, xaqa samayntiiye
- Quraankiyo sunnada raacideed, sahal muraadkaa e
- Siiradiyo saxaabada warkood, maanka saacide e
- Wacdigii ku sola laabta wuu, saxartiraayaaye
- Suuradaha qiyaamaha sharraxaa, fiira saa’idine
- Cabsi saaqda bedenkaa ayaa, maanku sidayaaye
- Ka sikoo hagelin naarta baa, fahamku suurayne
- Simbiriirix ruuxii kufaa, sigay jabniinkiiye
- Saracii jannada kii og wuu, saabilahayaaye
- Nimcaduu sarreeyuhu dhex dhigay, koobiwaa saxa e
- Taratan socodka dheereeye waa, tiigsan suu rabaye
- Saaricuu maqfiradii rabbigay, aayad baa sugiye
- Bidhaamahan sibbaakhee dunida, saaran waa khalade
- Dhalaal suuli weeyaan waxaad, moodi sii jira e
- Waa lacib sagootiyi shamsada, seexan ee dhiciye
- Suhdi kii ka gala baa rajadu, guul ku simi meele
- Midkii sabarka laacaa tog iyo, siibad lagu xoorye
- Sabbaynteeda mawjadaha buu, sahal dabaashaaye
- Siddiqabaxda sheekada surgo’an, suulka loo jabiye
- Subcis heesa iyo dhaantaday, sookac leedahaye
- Siijeedka wuxuu daaimoo, laydhu sidataaba
- Saacad aan fogaynbaa wadkii, sarafariistaaye
- Markaasuu sax iyo maag fahmaa, xaalku suu yahaye
- Talo fara kasiibane muxuu, suubin waa tagaye
- Waqti kuma sugaayoo dabayl, socota weeyaane
- Saacaddii ku dhaaftaa cimrigoo, siibtay lagu sheegye
- Malagyada garbaha saaran waa, kaatib saaxiyehe
- Wixii aad samaysay qoraan, xumiyo suubnaane
- Sadaradaas qiyaamahaad akhriyi, siday ahaadaane
- Kitaabkiisa siiya la oran, samabax liibaanye
- Ama bidixda uga sayra waa, saqara kooxdiise
- Camalkaagu sabaduu ku dhigo, baad ku socotaaye
- Inkastoo sarreeyuhu ufalo, sida u doonaayo
- Saamaxaadda kuu rabo ayuu, sahal u siiyaaye
- Kan kalana samuum jahanamuu, sal uga yeelaaye
- Naxariis safayn gaarta buu, saad u leeyahaye
- Soo jire khalqigoo idil haddii, subax lasoo taago
- Mid walbaaba suu rabo hadduu, siiyo danihiisa
- Senti kama dhinmaayoo mulkigi, malaha seer oode
- Ilaahow adaa saatiree, nagu sug diintaada
- Cafis saamaxaan kaa baryiye, sahal amuurteenna
- Mu’miniinta samabixi sujuud, caabudkaa badane
- Soomaaliyana eebbow ka yeel, maamul sara gaara
- Sinnaantiyo cadliga nabadda oo, sugan ku weydiistay
- Midnimiyo samaac iyo ismaqal, xaqa lasaaciido
- Sida wacan allow nagu haddee, siganay dhawr jeere.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Sirta-kulafaq..mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Curiye:- Xasan Bulxan Cali
Email. bulxan105@hotmail.com
Darwin, Australia.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com