Kismaayo (AGGM): Wafdi ballaaran oo horudhac u ah wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga, Xildhibaano, iyo saraakiil ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Xubnaha wafdiga ayaa galabta illaa caawa kulamo hoose la qaadan doona maamulka kumeel gaarka ah ee magaalada Kismaayo, iyaga oo sii diyaarin doona qorshayaasha wadahadalada iyo kulamada kale ee la filayo inay dhacaan, waxaana booqashadani ay qeyb ka tahay booqasho todobaadyadii ugu dambeysay uu ku tegayay Ra’iisal Wasaare Saacid gobolada dalka, kuwaasoo uu ugu kuurgalayo xaaladahooda maamulo-na ugu dhisayo.
Garad Salad Hersi
Press officer
Kismayo, Somalia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com