Abu Dhabi (AGGM): Wadanka Isku-taga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in uu dib magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkeena Soomaaliya uga furan doono safaaraddii uu halkaasi ku lahaa jiray.
Maxamed Bin Sayed Al Nahyan dhaxal-sugaha boqortooyada Imaaraadka Carabta ayaa arrintan sheegay kaddib markii uu xalay magaalada Abu-Dhabi kula kulamay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliye mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Masuuliyiintan ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal ee dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha iyo waxbarashada, iyadoo uu dhaxal-suguhu soo dhoweeyay dedaallada lagu sugayo amniga shacabka ee ay dowladda ku guulaysatay muddooyinkii ugu dambeeyay.
Maxamed Bin Sayed Al Nahyan dhaxal-sugaha boqortooyada Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dowladda Imaaraadku ay labo jibbaari doonto taageerada ay u fidiso dowladda federaalkna Soomaaliya.
22-kii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa xirnayd Safaaradii dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee ku lahayd magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com