Djibouti,(AGGM): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay weheliso Marwo Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi ayaa shalay waxaa qado sharaf u sameeyay Ra’iisal Wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Maxamed Kaamil.
Casuumaadan qadada ah oo ka dhacday hotelka Kempinski ee dalka Jabuuti ayaa waxaa kale oo ka qeybgalay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Gaashaandhiga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Cali Xagaa.
Dhanka kale, Marwada Ra’iisal Wasaaraha Marwo Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi ayaa kulan la qaadatay haweenka ku jira baarlamaanka dalka Jabuuti, waxayna kala hadashay sidii iskaashi dhow u dhex mari lahaa haweenka labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo jabuuti, waxayna sidoo kale isla soo qaadeen arrimo khuseeya xaquuqda haweenka.
Garad Salad Hersi
Press officer PM office
Djibouti, Republic of Djibouti
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com