Ku soo noqoshada uu Wasiir-hore Barre Aadan Shire Hiiraale ku soo laabtay magaalada xeebta ah ee Kismaayo, ayaa waxay saaka (ugu yaraan Dubai) ka tahay warka loogu sheeko badan yahay ee soconaya. Xitaa qaddiyaddii Somalia-Somaliland waa la laalay, oo waxaad arkaysaa dad aan qaar ka mid uhu af-Soomaaliga aad u sixi karin oo ku oranaysa: “Barre Hiiraale Kismaayo miyuu tegay?” “Arrintaasi waa jayyid,” “masruur baan ku ahay” ra’iisnimo miyuu Jubbaland ka rabaa, awal xaggee buu jirey?” iwm.
Dad aan telefoonka Kismaayo (oo saaka furraa) kula xiriirayna waxay ii sheegeen in ay dadka inta badan aad ugu diirsadeen dib-u-soo laabashada Wasiirka.
Saxaafaddu waa qaar ay tacsi u taallo oo si yaq-yaqsi leh u tebinaya soo-gelidda xildhibaanka, kuwo si dhexdhexaad ah u tebinaya, iyo qaar ka badbadinaya intaba.
Haddaba aannu eegno xaqiiqooyinka ku gadaaman safarka ay dad badan filayeen, qaarna ay ku nexeen oo uu Barre Aaden Shire ku gaarey magaalada Kismaayo. Inta aanan arrinta gudaha u gelin, aan intii camalladooda ku mashquul ah soo saaro doon-wareedka Kismaayo ee ay hirarka dhacdooyinku sida isdaba-joogga ah ula baaxaa-degayeen teer iyo intii uu Oktoobar kal hore Sheekh Axmed Madoobe maamulkeeda isu cimaamaday.
Kismaayo waa magaalada loogu sheegashada badan yahay magaalooyinka ku yaalla Geeska Afrika. Khalad iyo saxba, waa meel ay si sinnaan ku dhaw u wada sheegtaan qabaa’ilka Soomaaliyeed. Sidaa darteed waa magaaladii ugu qabsasho iyo dib u qabsasho badnayd 20-kii sano ee uu socday dagaalkii guul-darro ee ay Soomaalidu dhulkeeda iyo sharafteedaba ku burburisay. Eeg faallada Ken Menkhaus uu ku leeyahay Kismaayo waa Sarajevo-dii Soomaaliya. <http://www.foreignpolicy.com/articles/2012/10/03/somalia_kismayo_al_shabab>
Intii aanay Shabaabku la wareegin, magaalada Kismaayo waxaa gacanta ku hayey beesha Soomaaliyeed ee ay Gedo, Jubbada Hoose iyo Galgaduud deegaanka u yihiin ee uu ka soo jeedo Barre Hiiraale laftiisa. Intii ay al-Shabaabku gacanta ku hayeenna, beeshaa iyada ah waa tii loogu dilka iyo barakicinta badnaa. Waa isla beeshii laga diley suyaasiyiintii kala ahayd Daa’uud Dirir, Xareed Durdur, iyo kuwo kale oo badan.
Shirar ka dhacay dalka Kenya ayaa rag aqoon durugsan iyo xiriirro waaweyn oo caalamiya leh oo dhamaantood ka soo jeeda Beesha Ogaadeen waxay go’aansadeen in ay mar uun gacanta ku dhigaan gobollada Jubbooyinka, Marreexaankana ay u isticmaalaan in ay al-Shabaab yihiin. Khiddadaa iyada ah oo ay u adeegayeen dad beesha Sade ah oo ay soori qaadday ayaa sababtay in Barre Hiiraale (oo markaa xildhibaan heer qaran ah ahaa) xabsi guri lagu geliyo magaalada Doolow.
Waxyaabihii kale ee khiddaddaa ka qabsoomay waxaa ka mid ahaa in Gedo loo aqoonsado gobol Soomaaliyeed oo ay Marreexaanku 45% ku leeyihiin. Eeg bogga 16 ee shaxda deegaamaysiga Maamulka Jubbaland ee lagu qaybiyey Jaamacadda Kismaayo.
Hawsha magac-xumaynta iyo boobidda dhulka Marreexaan waxaa si gooni ah isugu xilsaaray Prof. Gaandhi oo xubin firfircoon ka ahaa Kooxdii Goosatay in Xal Kamadambays ah loo helo arrinta Marreexaan.
Prof. Gaandhi wuxuu safaaradaha Reer Galbeedka, gar ahaan tan Maraykanka ka iibiyey in Marreexaanku uu dabci ahaan waddani qallafsan yahay, haatanna ay al-Shabaab la duuban yihiin. Gaandhi wuxuu xalka ku sheegay in Marreexaanka ciidankiisa laga ilaaliyo in ay Kismaayo cag dhigaan. Wuxuu si gaar ah u dacweeyey Barre Hiiraale, waxaana marag beenaad u furay rag ay Barre isku beel yihiin oo markaa dhuuni yar ka jeeqaaqayey.
Mid ka mid ah shirarkii uu la yeeshay diblumaasiyiinta shisheeye, oo gal-sireedkiisa lagu faafiyey barta Wikileaks ee siraha fakaday lagu daabaco, ayaa wuxuu u qoran yahay sidatan: Gandi said “Marehan involvement in the effort to take Kismayo would be “horrible” and stated firmly “the Marehan can not go to Kismayo.”
Gaandhi wuxuu si adag u tibaaxay in ay sinnaba Marreexaanku ugu lug yeeshaan dedaallada lagu doonayo in Kismaayo lagu qabto waa arrin aad u “qallafsan” waxaanu si adag u yiri: ‘Marreexaanku ma tegi karaan Kismaayo.” Eeg fayl-sireedka Wikileaks ee arrintaa lagu daabacay. <http://wikileaks.org/cable/2009/08/09NAIROBI1732.html> Fadlan faylka oo dhan aqri si aad u ogaato aasaaska sheeka-baraleyda Kismaayo ka socota.
Intaa ka dib waxaa billaabatay in ciidankii Marreexaan oo dhan Kismaayo laga weeciyo oo loo diro Ceel-cadde, Buusaar, Faaf-xadhuun, iyo meelo kale oo aannacfi u lahayn hawl-galka milliteriga ee dib u xoraynta Jubbooyinka.
Intaa waxaa dheer, waxaa la hor istaagey in Baardheere Shabaabka laga xoreeyo, iyadoo dantu ay tahay in Kismaayo laga muraadsado iyadoo ay ciidamada Marreexaanku dhufaysyada ku jiraan. Intaa loogama harine, ciidankii Kenya oo uu markaa Wasiir Gaashaandhig u yahay Maxamed Yuusuf Xaaji oo Ogaadeen ah ayaa dhegaha iyo waraaqahaba looga buuxshay in uu Marreexaanku al-Shabaab yahay. Eeg Qormadii Daily Nation ee soo baxday August 29 2012. Halkan, af-hayeenka ciidamada Kenya ayaa si cad u sheegaya in ay “Marrexaanku go’aansadeen in ay al-Shabaab ka garab diriraan.” Eeg qormada Daily Nation ee arrintaa tibaaxaysa. <http://www.nation.co.ke/News/42-Shabaab-killed-as-AU-seizes-town/-/1056/1490056/-/28rp7jz/-/index.html>.
Arrini markay halkaa marayso oo ay Marreexaanku Kismaayo beel-aan-hubaysnayn, loona ciil-qabo ka yihiin, ayaa la billaabay “Shirka Maamul u Samaynta Jubbooyinka” oo dhamaantii loola gol-leeyahay in Kismaayo loogu aqoonsado magaalo Kablallax. Dib u eeg Wikileaks oo uu Gaandhi si cad ugu sheegayo in ay Kismaayo ka dhexayso Ogaadeen/Absame iyo Harti oo uu sheegayo in ay *Kaballalax* wada yihiin.
Tii Eebbe ma noqon ee waxaa arrintaa gaashaanka u daruuray Marreexaanka Waamo oo uu hormuud u yahay Suldaan Maxamed Suldaan Madoobe Yarow iyo Golihiisa Dhaqnka ee Kismaayo. Intaa keliya kuma joogsane waxaa si hirar ah Kismaayo isusugu soo shubay ciidamadii Soomaaliyeed ee uu Marreexaanku u badnaa oo al-Shabaab hawdka Jubbooyinka kula dagaallamayey. Markii halistaa la dareemay ayaa loo qaylo dhaamiyey, Jaamacadda Kismaayana lagu xareeyey dad magacyo dhaqan iyo kuwo siyaasadeed leh oo markii horeba loo dhistay (Xukuumaddii Cabdiweli Gaas) in ay danaha Kablallax ee Jubbooyinka u adeegaan magaca Sadena sheegtaan. Dadkaa oo ka yar sidii loo malaynayey, haatanna si buuxda u kashifan ayaa iyagoo hoolka shir-ku-sheegga dhex-jooga, aanan ka qayb-qaadanayn, la ansixiyey wixii lagu sheegay Dastuurka Jubbaland.
Magaalada Kismaayo manta waxaa ku sugan ciidamo 2,000 kor u dhaafaya oo diiddan shir-ku-sheegaa Dhulboobka ah ee halkaa ka socda. Waxaa kale oo ku sugan Odayaasha Sade-Waamo oo doonaya in marka hore Magaalada Kismaayo maamul loo dhiso dabadeedna Jubba Hoose iyo mid Land tii la rabo loo gudbo.
Hawsha Dhulboobku xagga caalamiga way ka hakatay, oo ka dib markii ay dawladdu qaaddacday ayay ajaanibtiina ka huleeleen. Beelihii Soomaaliyeed ee markii hore looga been-sheegay taageerada caalamka haatan way ka guureen madashii shirka. Waxaa sidoo kale madaxa is-gashaday musharrixiintii Ogaadeen oo iyagu huba in ay hoggaanka ugu sarreeya ka heli doonaan wixii shirkoodan ka soo baxa. Madoobe oo argaggaxsan ayaa xiray Garoonka Caalamiga ah ee Kismaayo si uu isaga ilaaliyo in ay meesha yimaadaan dad Ogaadeen ah oo wax garanaya oo u sheegi kara in aysan arrintani socon karin.
Waxaa magaalada ku soo qulqulaya ciidamo hubaysan oo lug iyo gaadiid ah oo donaya in ay bedbaadiyaan dadkooda madax-furashada loo haysto. Boqolkii ugu dambeeyey saaka ayay timid, dhexdana waa ay ku soo jiraan. Xitaa waxaa magaalada yimid ciidankii Afmadow oo diiddan maamul-xumada Madoobe iyo hanweyninka Gaandhi.
Iyadoo ay sidaa tahay ayay raggii belada ahaa iyo kuwii Marreexaan ee midiidinka u ahaa go’aansadeen in ay wax ugu yaraan uu Kismaayo Ogaadeenku ku qaato, dawladda Dhexena lagu khashkhasho Kenya-na loogu adeego Gegida Diyaaradaha looga dhawaaqo.
Imaanshada Barre Hiiraale ee Kismaayo waxay ku soo aadday xaaladda caynkaas ah. Sababahaa ayaa keenaya in ay dadku qaar ku bishaaraystaan, qaarna ka baydadaan. Taa micnaheedu maahan in uu Barre wax aad u weyn Marreexaanka ku soo kordhin doono, waxse ay tahay in uu “Diinku laysla arag yahay, Colkuna Celin yahay.”
Dadka qaar ayaa waxayba muujinayaan in ku-soo-laabashada uu Hiiraale Kismaayo ku soo laabtay ay nabad iyo degganaasho hor-seedi doonto. Taa ayaa waxaa lagu sababaynayaa in ay Ogaadeenku talada dhexda soo dhigi doonaan oo ay ogaan doonaan in ay xaaladdii cakirantay.
Si kastaba ha noqotee, waa arrin aannu ogaan doonno meesha ay arrini u iilato iyo sida uu Madoobe uga falceliyo imaashada Wasiirkii Gaashaandhigga ee uu December 2006-dii kula dagaallamay Bu’aale. Dagaalkaa oo Wasiirka looga itaal-roonaaday, aanay ka qayb-qaadanayeen xubno sarsare oo al-Qaacida ah ayaa waxaa Wasiirka looga qabtay maxaabiis afar ah. Axmed Madoobe qudhiisa ayaa la weriyaa in uu afartaa maxbuus gacantiisa ku gawracay.
—————–
Axmed Cabdullaahi Guuleed (Aag)
aag1969@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com