Shirka ku soo gebaggaboobay Magaalada London ee caasimadda Ingiriisku wuxuu leeyahay dhawr dhinac oo kii la eegaba uu yahay cashar weyn oo ay wax ku qaadan karaan dadka sheedda ka garta meesha ay siyaasadda Geesku u biyo shubanayso.
David Cameroon, Wasiirka Koowaad ee Dawladda Ingiriiska ayaa shirka la guddoominayey madaxwewynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Tani waxay marka ugu horraysa ku micnoobaysaa in labada dal — waa Soomaaliya iyo Ingiriiskuye—ay yihiin miso isu dhigma, oo wixii uu mid istaahilo uu kan kalena judhiiba ku taami karo.
Gobo’da hadalkii Cameroon oo shirkan muuqaal ahaan la guddoominayey hoggaamiyaha Soomaaliya, micne ahaanna ku metelayey waddamada uu turuqoodu buuxsamay ee loogu yeero Shanta Golaha Ammaanka, ayaa wuxuu si kooban u yiri: “Hindisaha geesinnimada leh ee uu madaxweynaha Soomaaliya soo bandhigay, sidiisa ayaannu ku aqballay.”
Cinwaan-madaxeedka shirka oo u badnaa Amniga iyo Caddaaladdu waxay iyaguna muujinayaan in ay Reer Galbeedku markii ugu horraysay 22 sano garwaaqsadeen in: a) amniga Soomaaliya uu yahay amniga caalamka; b) in si loo sugo amniga Soomaaliya, markaa aan doorsi loo hayn in la dhiso Ciidamada Soomaaliya; iyo c) in aan intan ka badan lays halmaansiin karin baahida loo qabo in galka (file) Soomaaliya laga qaado caasimadaha dalalka deriska ah iyo xafiisyada Qaramada Midoobay ee Gigiri, oo markaa loo qaado Villa Somalia, ajaanibta Soomaaliya danaysana ay Soomaaliya u caawiyaan sida ay doonto.
In aanu shirku u dhutinin maqnaanta Somaliland iyo yabaqa Puntland ayaa iyaguna muujinaya in ay Waddamada Adduunku ka dhab tahay in ay la xaalaan Soomaaliya oo mid ah, Muqdishana looga taliyo.
Tani micnaheedu maahan in mar kale ay cidna u suuroggeli doonto Soomaaliyadii Jaalle Siyaad iyo Jaalle Samatar. Waxse ay u muuqataa in caalamka micnaha luhu uu ka daalay siyaasaddii laba-jidlaha (dual track policy) ahayd, oo la garwaaqsaday in Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay ku idil yihiin dhamaan qabaa’ilka Soomaaliyeed, markaana aan loo baahnayn in la dhiirriggeliyo tuulaysiga iyo tolaysiga maamullada labada ah ee kala sheegta Somaliland iyo Puntland.
Taa beddelkeedu Ingiriiska iyo ilma-adeerradiisu waxay u muuqdaan in ay doonayaan Soomaaliya mid ah, nabad ah oo laga bedbaado, sharcigeedu u taliyo, oo ay dadyowgeeda oo dhan wadaagaan keegga qaranka.
Khudbadii uu shirkaa ka jeediyey Uhuru Muigai Kenyatta, Madaxweynaha Kenya, ayaa daboolka ka qaadday [Allgedo Online, May 08, 2013] in ay dani la soo gaabatay haatanna uu gebaggabo yahay hamigii dhulboobka Kenya iyo taa la-jirkeeda riyadii Kaambooniyiinta Kismaayo eek u salaysnayd Jubbaland mataan la ah Jigjiga, Gaarrisa, iyo Garoowe cadawna ku ah Xamar, Caabudwaaq, iyo Berbera.
Mudane Kenyatta wuxuu ku tuun-tuunsaday lagama-maarmaannimada in dib dalkoodii loogu celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan waddanka Kenya. Isagoo hadlayey wuxuu yiri: “Waxaannu dalka Ingiriiska gaar ahaan iyo adduunka guud ahaan caawimaad u weydiisanaynaa in si habaysan macquulna ah la inooga caawiyo dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugnaa waqtiga dheer.”
In ay dawladda Soomaaliya u istaagto oo gudato (ama ka seexato oo dayacdo) waajibaadka iyo masuuliyaddii ay xaqa u lahayd oo haatan la garwaaqsaday loona wada tiirshay ayaa ah arrin aannu u goob-joogi doonno, hadduu Eebbe idmana ra’yigeenna ku tibaaxi doonno maalmaha iyo bilaha soo socda.
Axmed Cabdullaahi Guuleed,
aag1969@gmail.com
“ Aag” waa qoraa madax bannaan, falanqeeye ruugcaddaa ah, waana fikiraa xor ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com