Muqdishu (AGGM): Ra’iisul Wasaarha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta wareegto ku soo saaray gudi ka kooban labada gole iyo iyo xiriiriye tiradooduna tahay 16 xubnood loona xilsaaray wada-xaajoodka iyo dib-u heshiisiinta Jubbooyinka.
Wafdigu waxay kaloo si hufan ugu gudbin doonaa madaxda dhaqanka iyo kuwa gobolka Jubbada Hoose siyaasadda iyo talada dawladda federaaliga ah ee Soomaaliyeed ee ku wajahan dhismaha dawlad goboleedyada federaalka ah.
Guddigaan ayaa lagu wadaa inay dhawaan u ambo baxaan magaalada Kismaayo. Guddiga ayaa waxaa gudoomiye u ah wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Guddaha mudane Cabdiguhaad Jaamac Axmed Maxamed (Oday), waxaana ay kala yihiin xubnaha kale ee gudigu:-
- Xildhibaan, Cabdiweli Sh Ibraahin Muudey – Xubin
- Xildhibaan, Xasan Macalin Maxamuud – Xubin
- Xildhibaan, Maxamed Iidle Geeddi (Xerow) – Xubin
- Xildhibaan, Cabdikaafi Macallin Xasan – Xubin
- Xildhibaan, Maxamed Maxamud Guure – Xubin
- Xildhibaan, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil – Xubin
- Xildhibaan, Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey) – Xubin
- Xildhibaan, Maxamed Axmed Kulan – Xubin
- Xildhibaan, Samaan Maxamed Sheekh – Xubin
- Xildhibaan, Cabdiwaaxid Cabdullaahi Jaamac – Xubin
- Xildhibaan, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil – Xubin
- Xildhibaan, Maxamed Maxamuud Ibraahin – Xubin
- Xildhibaan, Cabdiqaadir Maxamed Aadan – Xubin
- Xildhibaan, Luuley Cabdi Aaadan -Xubin
- Mudane Aaden Ibraahim Aw Xirsi – XiriiriyeDHAMAAD
Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com