Ra’iisul Wasaaraha Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Balaaran Oo Ka Socda Urur Goboleedka IGAD.*Daawo Sawirada*

0

ikaMuqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay wafti ka socda urur goboleedka IGAD oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey booqasho ku joogay magaalada Muqdisho.

Waftigaan imaatinkiisa Soomaaliya waxa lagu go’aamiyey shirkii madaxda wadamada ku bahoobay IGAD ay ku yeesheen 3-dii Maajo magaalada Addis-Ababa, waxaana u jeedka waftigaan uu yahay sidii ay war bixin uga diyaarin lahaayeen arrimaha gobolada Jubooyinka.

Ugu horayntii Eng. Maxbuubu Macalim oo ah xoogyaha guud ee urur goboleedka IGAD oo waftiga hogaaminaya ayaa ka war bixiyey u jeedka socdaalkooda ay ku yimaadeen magaalda Muqdisho.

“Sidaan la socono Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay IGAD, waxaana loo asaasay ururkan arrimaha horumarka dalalka ku bahobay dalada IGAD, imaatinkayguna wuxuu jawaab u yahay dalabkii madaxweynayaasha IGAD ee shirkoodii aan caadiga ahayn ee ay ku yeesheen magaalda Adis-Ababa horaanta bishaan. Ilaa iyo intii aan soo gaarnay Muqdisho waxaan kulamo la yeelanay bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaase muhiimad gaar ah noo leh kulankaan aan la qaadanayno Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS” ayuu yiri Eng, Maxbuub

dhanka kale Wasiirka Warfaafinta oo qayb ka ahaa kulankii maanta ayaa sheegay in ay dowladu u gudbisay gudiga ka socda wadamada IGAD mowqifkeeda ku aadan xasilinta dalka iyo maamul u samaynta gobolada, dowladuna ku salaynayso qorshaheeda war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii 21-aad ee ay isugu yimimaadeen madaxweynayaasha urur gobleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Adis-Abab 3-da May.

Ugu danbayntii shirkaan ayaa waxaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo xubnaha ka socday ururka IGAD ay sheegeen inay markasta diyaar u yihiin inay tixgalinayaa dastuurka dalka ayna ilaalinayaan midnimada Soomaaliya.

DHAMAAD

ika

ika3

ika4

ika2

ika1

Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Moqdishu, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com