Kismaayo (AGGM): Waxaa magaalada kismaayo hadda ka socda banaan bax balaaran oo looga soo horjeedo Axmed Madoobe oo dhawaan iskiis madaxweyne isugu magacaabay,waxaana banaan baxyadaasi ka socdaa xaafadaha kala duwan ee magaalada kismaayo iyadoo banaan baxaas lagu muujinayo inay shacabka reer kismaayo si balaaran uga soo horjedaan Axmed Madoobe iyo Kooxdiis ayna doonayaa in Dowladda Soomaaliya gacanta ku qabato magaalada Kismaayo.
Banaan baxayaasha ayaa socod dheer ku maray xaafadaha calanlay,Isku Filan Iyo Aargada,waxaana dadkaasi ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Axmed Madoobe,waxaana dadkaasi sheegeen inaysan Axmed madoobe u aqoonsaneyn Madaxwenye balse u aqoonsan yihiin dambiile.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com