Haweeney Ka Tirsan Ilaalada Yaasiin Radeer Oo Askar Kale Dishay,Ka Dib Muran Dhexmarey

0

RaadeerKismaayo (AGGM)  Askariyad ka tirsan ciidamada jamhadda Raaskambooni gaar ahaan ciidamada ka amar qaata Col Yaasiin Nuur Raadeer ayaa saaka toogasho ku dishay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada jamhadda Raaskambooni ka dib markii muran daqiiqado qaatey uu dhexmarey.

Haweeneydan oo aan magaceedda la shaacin ayaa la xusay inay rasaas oodda uga qaadey laba askari oo ka tirsan ciidamada raaskambooni,waxaana la sheegey inay rasaasta u waday mid ka mid ah askartaasi balse ay mid kale rasaastii sii dhaawacday,waxaana la sheegey askarigii ay doonaysay inay disho inuu geeriyoodey.

Haweeneydan ayaa la sheegey inay ka mid tahay istaafka khaaska ah ee Col Yaasiin Nuur Radeer,waxaana lagu wadaa inay saacadaha soo socda Horjoogayaasha Raaskambooni ka hadlaan sida wax u dhaceen isla markaasna saxafada u soo bandhigaan qaabka dilku u dhacay,waxaana askarigii dhaawaca ah hadda lagu daaweynayaa isbitaalka guud ee magaalada kismaayo.

Intii Jamhadda Raaskambooni magaalada kismaayo soo galeen iyagoo garab ka helaya ciidamada dawlada kiiniya waxaa la xaqiijinayaa inay ku geeriyoodeen in ka badan 139 ruux oo u badan shacab inkastoo ay ku jiraan askar,waxaana dilkan noqonayaa kii 7 aad ee intii uu madaxweynaha isku magacaabay Axmed Madoobe ka dhaca magaalada kismaayo.

Si kastey ahaataba xaalada magaalada kismaayo ayaa ah mid aan cago badan ku taagneyn iyadoo ay jiraan ciidamo badan oo ku sugan gudaha magaalada isla markaasna ka amar qaata hogaamiyeyaal kala duwan,waxaana shacabka magaalada kismaayo inta badan ka welwelsan yihiin ciidamada magaalada ku sugan ee aan cidna ka amar qaadan.

Warsame Caydiid Geele

Kismaayo,

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com