Addis Ababa (AGGM): Urur Gobolleedka IGAD oo maanta warbixin rasmi ah ka soo saarey xaalada dalka soomaaliya ayaa tallo muhiim ah soo jeediyey isla markaasna ku taliyey in Maamul u sameynta gobollada dalka soomaaliya looga dambeeyo dawlada federaalka ee soomaaliya,waxaana warbixintooda ku sheegeen in arrimaha soomaaliya noqonayaan kuwo si wanaagsan u dhaqan gala hadii dawlada soomaaliya looga dambeeyo maamul u sameynta gobollada dalkeeda.
Guddigan warbixintan soo saarey ayaa ah Guddi dhawaan booqasho muhiim ah ku tagay magaalooyinka Muqdisho Iyo Kismaayo,waxayna ku taliyeen in arrimaha maamul u sameynta gobollada dalka looga dambeynayo dawlada soomaaliya,waxaana IGAD warbixintooda ku sheegeen inay dawlada soomaaliya ku tageeraayaan arrimaha maamul u sameynta hadii ay gacan uga baahdaan Dhinacooda IGAD.
Dhinaca kale waxaa Urur Gobolleedka IGAD ku baaqeen in dawlada soomaaliya iyo baarlamaanka soomaaliya ay dedejiyaan sharuucda Maamul u sameynta gobollada dalka iyo arrimaha deferaalisimka,waxaana warbixintooda ku tilmaameen inay tageero hadii dawladu u baahdo ay diyaar u yihiin inay u fidiyaan dawlada soomaaliya kana caawiyaan dhinac kasta.
Warbixintan ayaa ah mid meesha ka saareysa maamuladii badnaa ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada kismaayo,waxaana warbixintaasi dhabar jab ku tahay maamullada aan dawliga ahayn ee aysan dawlada soomaaliya aqoonsaneyn,waxaana arrintaasi saameyn ku yeelaneysaa maamullada aan dawladu tageersaneyn amase aysan aqoonseyn ee looga dhawaaqay guud ahaan gobollada dalka marka laga reebo Puntland iyo Somaliland.
Waxaa kale oo loogu baaqay dawlada soomaaliya deg deg uga shaqeyso sidii gobollada dalka amaankooda loo adkeyn laha isla markaasna looga hirgelin lahaa nidaam amaan oo wanaagsan isla markaasna shacabka soomaaliyeed uga soo kabtaan dhibaatadii ku soo dhacaysay in ka badan 22 sano.
Xubnaha IGAD waxay magaalooyinka Muqdisho kula soo kulmeen masuuliyiin badan oo uu hormuud ka ahaa Raisalwasaraha soomaaliya Saacid Faarax Shirdoon ,Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Cabdikariin Xasan Guuleed, Gudoonka Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo xubno kale oo badan kuwaasi oo si cad u sheegey inaysan aqbalayn maamullada looga dhawaaqay kismaayo isla markaasna nidaamka federaalismka maamulada aysan ku dhisneyn.
Sidoo kale waxay magaalada kismaayo kula kulmeen Axmed Madoobe iyo Col Bare Hiiraale oo labaduba sheeganaya inay yihiin Madaxweyneyaasha Gobollada Jubooyinka Iyo Gedo,Waxaana ay Masuuliyiintii IGAD inadhahooda saareen xaqiiqda dhabta ah ee kismaayo ka jirta isla markaasna waxay ula muuqatey inaan wanaag ka jirin kismaayo isla markaasna uusan jirin maamul buuxa oo lagu midaysan yahay. Sidoo kale waxay arkeen kumanaan ruux uu mudahaaraadaya isla markaasna maamullada ka soo horjeeda muujinayana inay u baahan yihiin dawlada soomaaliya.
Si kastey ahaataba waxaa Weftigii IGAD u muuqatey in Xaalada dalka soomaaliya ay masuuliyadeeda leedahay Dawlada soomaaliya isla markaasna looga dambeeyo arrimaha maamul u sameynta gobollada dalka soomaaliya,waxaana ay warbixintooda ku sheegeen in arrimaha soomaaliya ay dawlada soomaaliya xor u tahay gaar ahaan arrimaha maamul u sameynta gobollada jubooyinka iyo Gedo,waxaana IGAD sheegeen in hadii dawladu caawimo u baahato ay diyaar u yihiin inay wax badan ka tageerayaan.
Aadan Maxamuud Cali
Addis Ababa,Itoobiya
Iska Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com