Ra’isal Wasaare Saacid "Xaafadaha Magaalada Muqdisho Guri Guri Ayaa Loo Baarayaa".

0

saacid44Muqdisho (AGGM): Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaalia oo Warbaahinta lahadlay ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay Xaqiijinta Nabad Gelyada Magaalada Muqdisho.

Ra’isal Wasaare Saacid ayaa shaaciyay in Xukuumadda Soomaaliya ay sii wadi doonto La dagaalanka Kooxaha Nabadiidka ah sida uu hadalka  u dhigay.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay In Ammaanka ay iskaashi ka sameyn doonaan Ciidamada kala duwan ee dowladda iyo AMISOM si howl gal buuxa ay kaga sameeyaan Magaalada Muqdisho.

Ra’isal Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi kudaray In Xaafadaha Muqdisho mid mid loo baari doono si loo hubiyo Amniga Guud ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Saacid ayaa ugu dambeyntii waxa uu Rajo wanaagsan ka muujiyay in Goor dhow uu hagaagi doono Ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho islamarkaana Shacabka Sooomaaliyeed ay ku naaloon doonaan  Nabad waarta.

Hadalka Ra’isal Wasaare Saacid ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Taliska AMISOM uu shaaciyay in ay billaabeen Howl gallo lagu Xaqiijinayo Ammaanka Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com