Addis Ababa (AGGM): Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD oo shir uu uga soconayey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa mid aan sharciga waafaqsaneyn ku tilmaamay maamulkii dhowaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.
La taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo wareysi siiyey Radio Muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia ayaa sheegay in shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo dhanka Soomaaliya ay uga qeybgashay Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan la isku raacay qodobada soo socda:-
* Shirkii ka dhacay Kismaayo iyo qodobadii kasoo baxay iney ahaayeen kuwo aan waafaqsaneyn Dastuurka Soomaaliya.
* In loo baahnaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirkaasi hogaanka u qabato balse aysan dhicin.
* In dhinacyada dega deegaannada Jubooyinka aysan shirkaasi u wada dhameyn
Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii shirkii ka horeeyey shirkan IGAD lagu go’aamiyey in wafdi ka socda IGAD ay tagaan gudaha dalka si ay usoo qiimeeyaan xaalada ku saabsan maamulka Jubooyinka looga dhawaaqay islamarkaana ay gudigu keeneen warbixin la xiriirta waxyaabihii ay safarkooda kusoo arkeen.
Ugu dambeyn Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iney sameyso shir dib u heshiisiin guud kaasi oo ay Dowladdu ka qeybgalineyso dhammaanba dhinacyada Soomaalida ayadoo shirkaasina loo baahanyahay in laga soo saaro qariido (Road-Map) lagu qeexayo hanaanka loo marayo sameynta maamullada KMG iyo hanaanka maamul goboleedyadaba.
Sidoo kale Wasiirrada Arrimaha Dibadda Urur goboleedka IGAD ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo iney ka fogaadaan wax walba oo keeni kara dagaal ama isku dhac beeleed kuwaasi oo cuuryaamin kara dagaalka lagula jiro Maleeshiyaadka kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.
Madaxweynayaasha urur goboleedka IGAD ayaa caawa kulan ku yeelan doona magaalada Addis Ababa ayadoo Madaxweyneyaashana la filayo iney ansixiyaan go’aannada ay isku raaceen Wasiirrada Arrimaha dibadda urur goboleedka IGAD.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/Yariisoow_addis.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com