Gabay: Gabaygan waxaa uu ka turjumayaa Muhiimada Maamulka iyo dowladnimadu leedahay iyo inay tahay arrin daruuriya oo sida qofku ugu baahan yahay, Cuntada,Biyaha iyo Hurdada uu ugu baahan yahay, Maamul iyo nidaam iyo kala dambayn inuu helo meel kasta uu joogo.
- Deelka gabayga, diiwaan murti leh, Dedan wax loo sheego
- Dan ka hadalka, doodii waxtara, Daacad lagu taaro
- Damal geeynta, xaajada delegan, Duqayda loo saaro
- Dacwadeedu goortay dhacdana, La iska daaweeyo
- Dakanadii horaatana la dhayo, Daanadiyo boogta
- Diyo iyo wanaag lagu dabaqo,Ddeeble laga dhiibo
- durtaba saamax laga qaatee, Duco la raacsiiyo
- Dabkii baxayey baa lagu danshaa, Dirir colaadeede
- Dadkii kala durkaa lagu helaa, Dib u heshiintoode
- Dirirkeedii suugaanta waa ,Daawo dhalinteede
- Difaacii xumaantay ahayd , Doorka nabadeede
- Dayr iyo gu’ dayey ahayd, Doog ka soo baxa e
- Dalo iyo waxsheeg bay ahayd, Daacad loo hura e
- Darka ceelka iyo bay ahayd, Dawlis aan go’ine
- Dalaalimo wanaageey lahayd, Lagu daryeelaaye
- Dugsi iyo aqoon bay ahayd, Lagu dareeraaye
- Dayax nuurayiyo bay ahayd, Dab u iftiimaaye
- Deegaan barwaaqay ahayd, Lagu dalxiisaaye
- Doodeeda anigoo xidhoo , Daayey gebibeedba
- Ayuunbaa durbaan lay tumay, Aan ku diirsadaye
- Da,yartii dalkaygaan arkayo, Door ka soo baxaye
- Niman danaha guud wada ayaa., Daayin soo diraye
- Diiwaanka ruuxii galaa, lagu daraasayne
- Dariiqyadi xidhnaan jiray, raggaa layrarka u daaray
- Ee nabadda doonaaya iyo ,Dowladnimadeeda
- Inaad dacal istaagan rabaa ,Dood u mariyaaye
- Dadku inuu nabdaan doonaya, Dib u heshiiyaaye
- In dagaalka laga joojiyo, Dirirta naafaysay
- Degelki burburey doogsadoo, Doogtii laga reeysto
- Oo dabaqdheer laga dhisiyo ,Duni iftiimaysa
- Oo daacad loo dhaqo shacbiga, Dacaladeed yaala
- Dugsiga islaamkiyo la furo, Door aqooneedka
- In la daayo xumahaan rabaa Samo la doonaaye
- In dedaal waddaniyeed lagalo, Duunyo lagu doonin
- Ama daraja iyo magac la rabin Daacadnimo uuna
- Oo deeqna lagu sii baxshaan Doonayaa abide.
- Duqaydiyo caruurtaan rabaan Inaan dugsiinaaye
- Dhalinta iyo dumarkaan rabaa, Inaan daryeelnaaye
- Dadkaygoo dhan baan doonayaa , Inaan u duubtaane
- Inta ruux damiir laan rabaa, Inay dareemaan
- Intaas waa danti guud dadyahaw ,Lagama dayrshaane
- Bal aan dulucda hoosiyo u dego, Ararta duubkeeda.
- Dadkuna waa xigaaliyo duriyad, duudii soomaale
- Danta lama huraan, waa dalkiyo, diinta eebahaye
- Dadkuna waa kuwii loo diraye , daayacayn abide
- Dalkii waa kanoo dowladnimo , Laysku wada diidye
- Nin waliba halkuu dego hadduu, Daacad u ahaado
- Oo dayrtoo oo maamul iyo ,Doorsan ka abuuro
- dadweynihiyo shacabkaa degani helo, Daryeel fiican
- Miyaa laysku diidaa dunidu, Way ku socotaaye
- Dakanadiyo dhiiladii horiyo, Dirirtaan soo dhaafnay
- Dura waxii la soo maray dad, Weli doonayaa jira e
- Darsi umaysan noqon daanadiyo ,Duulankii hore
- Dambiyadii Shalay doonayaan, Door labaad kale
- Diin ruux ka been sheegaya,Damac hubaalaysan
- Isku duubni ruux diidanoo ,Beelnimo u duuban.
- Dibindaabyadii hore mid fali ,Weli dariiqeeda
- Mid uun dooni duul wada dhashay, Diradireyntooda
- Deegaanka Soomaaliyeed ,Deyr ku kala oodi
- Miyaa ruux damiirliyo, dal jire ,Weli ku doodaaya.
- Federaalku waa daano iyo ,Dabin gumaysaade
- Waa inaan dib loo arag midnimo, Lagu dakayeeye
- Waa inay difaac kala galaan, Deriska deegaane
- Waa inaynu duulaan mar kale, La is duqeeyaaye
- Waa iney dadkuna kala durkaan, Dirir Bilowgeede
- Ninkii dowlad Soomaaliyeed ,Diiday maqalkeeda
- Ee dano qabiil doonayoow ,Daalin baad tahay
- Dersi nimaan ka baran daqaradii ,Gaadhay baad tahaye
- Dood ruux qaboo weli darxumo, Doonayaa tahay
- Dabka aad shidaa daalinoow, Wuu ku diliyaaye
- Dabinkaad xidhaa dirdiroow, Waad ku dagantaaye
- Daleeshaad dhigtaa xaajada, Ku darnaan abide
- Darajiyo wanaag laguma helo, Docodocayn jaane
- Allow yaa dar bay tuban tahaye, Dib uga soo foofsha
- Allow yaa dubihii shalay ku dhacay,Daawasho u geeya
- Allow yaa darxumadey mareen, Dib u xasuusnaada
- Allow yaa digtii iyo damtii, Dirirta maantoole
- Ee danabyadeedii midh tirey, Daaya garansiiya
- Naga daaya duul kala saftiyo, Dacarta laaqeeda
- Oo dowladnimo waa jannee, Doona hadafkeeda.
- Damal iyo hadh weeye dugsiga, Noloshu ay taale
- Isku duubni guul weeye ,Doona Qarankeena
- Danbi maaha ruux ii dantiyo ,Dowlad curiyaaye
- Kuwa duubtay maantoo dedaal, Guula weeyaan
- Haka daalinaan odhan lahaa waa, La degayaaye
- Waxba gabaygu yuu ila durkine ,Waxaan ku soo dayray
- Naftu waxay dareentaa dadyahaw ,Dowladnimo weyne
- Dadku waxuu gaajaysan yahay ,Maamul daacada,he
- Dantuna waa dadkoo wada dega ,Oon lays durayneeyne
- Allahayoow adigaa daayimaoo ,Cidi ku diidayne
- Adigaa dunidan weyn iska leh ,Dood lagaa geline
- Rabiyoow dadkaagaan nahaye ,Nabad na daawaysa
- Darxumada na haysiyo rabiyo ,Diifta naga qaada
- Naga dami dabkaan iyo danbigay ,Gaadhay dunidoo dhan
- Ilaahay degani noogu deeq, Dowladnimo taam ah.
- Ducada naga Ajiib Daahiroow,Daacad baan nahaye
- Dadkaagaan nahaye daayimoow , Diinta nagu toosi !!!
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com