Muqdisho(AGGM) Dawladda federaalka soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay hadallo ka soo yeerey hor joogaha Jamhadda Raskambooni kuwaasi oo ahaa eedeymo dawlada soomaaliya uu jeediyey isla markaasna ku saleysnaa muranka siyaasadeed ee ka aloosan gobollada Jubooyinka.
Afhayeenka Madaxweynaha dawlada soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Yaarisow oo saaka saxafada la hadlay ayaa beeniyey hadallo eedeymo ah oo uu jeediyey Axmed Madoobe dawlada soomaaliya kuwaasi oo ahaan inay dawladu iska indho tirtey Maamul u sameyntii gobollada jubooyinka,waxaana uu sheegey inay dawladu diidey inay wefti u soo dirto magaalada kismaayo goob joog ka ahaada shirkii halkaasi ka dhacay.
Eng Yarisow ayaa shaaciyey in beesha calaamka iyo shacabka soomaaliyeed ka war hayaan inay dhawr jeer oo is xigxigtey ay u direen wefti heer sare ah magaalada kismaayo kuwaasi oo dooneyey inay kulmaan shacabka magaalada kismaayo iyo masuuliyiintii Maamulka ku kmg ah ee sida Axmed Madoobe Iyo Yaasiin Radeer balse Afhayeenku waxaa uu sheegey inay maamulkaasi diyaaradii weftiyada kala duwan saarnayeen dib ugu celiyeen magaalada Muqdisho.
Eng Yarisow waxaa kale oo uu sheegey inaysan dawladu ka quusan inay wefti kale u dirto kismaayo is xal loogu hello arrimaha murugsan ee gobollada jubooyinka ee Gedo ee ku aadan maamul u sameynta balse ay isla maamulkaasi diideen weftiyo kale dawladu u dirtey isla markaasna ay beesha caalamka iyo shacab soomaaliyeed goob joog ka ahayeen wax ka dhacayey kismaayo.
Ugu dambeyntii Eng Yarisow waxaa uu si cad u sheegey inay jiraan xilligan wefti dawlada soomaaliya ka socda oo ku sugan kismaayo kuwaasi oo ay isku dayeen inay qashqashaad ku ridaan Jamhadda Raskambooni,waxaana uu sheegey inay horjoogeyaasha jamhaadaas wax badan ka qaldan yihiin isla markaasna ku dhex wareersan yihiin siyaasada gobollada jubooyinka.
Guuleed Dahir Coombe
Muqdisho,Banadir
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com