Muqdisho (AGGM): Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa loo gudbiyey Mooshin ka dhan ah joogitaanka ciidamada dowladda Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.
Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay u gudbiyeen gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Mooshin ka dhan ah joogitaanka ciidamada Kenya ee gobolada Jubooyinka.
Waxaa xaqiijiyey in mooshinkan la gudbiyay Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan C/llaahi oo ka mid ah mudanayaasha baaralamaaka Soomaaliya wuxuuna tilmaamay in Mooshinkaas ay gudbiyeen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan,wuxuuna ku sheegay sababta ka dambeeysa inay u gudbiyaan Mooshinkaan ay tahay kadib markii laga dhaga adeegay talooyinkii dowladda Soomaaliya ee maamul usamaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Xildhibaanka ayaa Wuxa uu tilmaamay inay lama huraan tahay in la ogaado meesha dhabta ah ee ay dhibaatadu salka ku hayso,wuxuuna sheegay iney ka war hayaan in ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ay hareer mareen hawshii loo idmaday isla markaasna ay faraha la galeen ardimaha siyaasaddda jubooyinka iyo maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo.
Isku soo wada duuboo Xildhibaanka ayaa sheegay iney Kenya ku xad gudubtay hawshii loo idmaday wuxuuna sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ka gilgilatay faragalinta qaawan ee Kenya ku heeyso arrimaha maamul usameenta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/mooshinka-kenya.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com