Danjiraha Soomaaliya Ee Burundi Oo Sheegay In Dowladda Burundi Ay Ka Gacansiineyso Dowladda Soomaaliya Dhisidda Maamul Goboleedyada Dalka.

0

top newsBujambura (AGGM): Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Burundi Abshir Siyaad Abshir oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Burundi ay taageereyso qorshaha Siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya Maamullada ay ugu dhiseyso deegaanada iyo degmooyinka dalka ee soo gala gacanta dowladda.

Safiirka ayaa Carabka ku dhuftay in dowladda Burundi ay Soomaaliya ka gacansiineyso Sameynta Maamullada Gobollada dalka si dowladda ay ugu guuleysato sameynta Maamulladaasi.

Sidoo kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Burundi Abshir Siyaad Abshir ayaa Xusay in dowladda Burundi ay la imaaneyso qorsho lagu Xaqiijinayo Ammaanka oo ka duwan qorshaha Ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee dowladda Burundi ayaa ka mid ah dowlado ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka  Howl Galka AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com