Kismaayo(AGGM) Wararka Shabakada Allgalgaduud ka helayso illo wareedyo aad ugu dhaw dhaw Axmed Islaaa ( Axmed Madoobe) ayaa la sheegayaa inuu maanta kulan muhiim ah la qaatey qaar ka tirsan weftigii dawlada soomaaliya ee maalmahan ku sugnaa magaalada kisamayo, gaar ahaan qaybtii uu hogaaminayey Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Kulankan maanta dhexmarey Axmed Madoobe iyo xildhibaanada uu hormuudka ka yahay Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la sheegayaa in laga gaaray xal hor u dhac ah isla markaasna wax badan laysla gartey,waxaana la sheegey dood dheer ka dib inuu Axmed Madoobe aqbalay inuu tix galiyo Go,aamadii ka soo baxay Shirkii IGAD.
Goob Jooge ku sugnaa meesha kulankaasi ka dhacay oo diiday inaanu magaciisa xusno ayaa sheegey inay isla garteen qodobo ay ka mid ahaa kuwani:-
- In La Qabto shir cusub oo ay dowladda garwadeen ka tahay, kaasi oo lagu qabanayo Xamar, laguna soo dhisayo maamul KMG ah.
- In Axmed Madoobe Iyo kooxdisu shirkaasi kaga qayb galaan ahaan balse la siiyo Ahmiyad gaar ah.
- In Ciidamadda Raaskambooni loo sameeyo tababar iyo dhaqan celin lana barro awaamiirta ciidamadda u degan.
- In Doorasho xalaal ah la qabto oo dawlada soomaaliya gooj joog ka tahay isla markaasna loo hogaansamo cid kasta oo la doorto.
Arrintan ayaa la filaya in saacadaha soo socda Axmed Madoobe iyo kooxdiisu ay ka hadlaan isla markaasna saxafada u soo bandhigaan qodobada ay isla garteen guddiga uu hogaaaminayo Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,waxaana arrintaasi hadii ay hirgasho niyad wanaag iyo deganaan ku seexanaya shacabka magaalada kismaayo oo cabsi dagaal maalmahan ku jirtey.
Talaabadan ayaa dhaqan gashay ka dib markii waxgarad iyo aqoonyahano badan oo daafaha caalamka ku dhaqan Axmed Madoobe iyo kooxiisa ay ka soo xiirireen isla markaasna kala taliyeen inuu u hogaansamo go,aanka IGAD Iyo dawlada soomaaliya sii nabad loogu helo dadka degaanka,waxaana la sheegey inuu talladaasi qaatey Axmed Madoobe oo hadda u muuqda nin si wanaagsan u fekeray.
Arrintan ayaa u muuqata mid biyo ku shubeysa dhibaato laga cabsi qabay oo dhexmarta ciidamada dawlada iyo kuwa jabhadda raaskambooni,waxaana hadda muuqata isu soo dhawaansho aad u farxad galin karra shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo iyo nawaaxigeeda oo farta wadnaha ku hayey.
Sidoo kale waxaa arrintani fool xumo ku noqoneysaa madaxweynaha Puntland Faroole oo Axmed Madoobe in badan kula taliyey inuu ku adkeysto inuu yahay Madaxweyne taasi oo jar iska tuurnimo isla markaasna uu awal hore Faroole Axmed Madoobe kula taliyey inuu isagu is doorto keenteyna in lagu gacan sayro.
Dhinaca kale waxaa uu arrintani imaanaysaa xilli maanta wasiirka gashaandhiga dawlada soomaaliya iyo abaandulaha ciidamadda xooga dalka ay booqasho ku tageen fariismaha ciidamada dawladu ku leeyihiin magaalada kismaayo halkaasi oo ay saraakiisha ciidamada kala hadleen baahida ciidamada dawlada ee gobolka ku sugan.
Ugu dambeyntii waxaa saxafada soomaalida qaarkeed qoreen in wali wasiiradii dawladu ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha,arrintaasi waxaa Allgalgaduud xaqiijisay in wasiiradda dawlada federaalku maanta gudaha u soo galeen magaalada isla markaasna la kulmeen saraakiisha ciidamada dawlada ee magaalada kismaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com