Ex Xildhibaan Saleebaan Maxamed Ibrahim " Faroole Waa Fidnada Soomaaliya, Waa In Laga Qabtaa Dalka Iyo Dadka".*Dhagayso*

0

suleymaanMuqdisho (AGGM): Horjoogaha Maamulka Puntland Mr. Faroole ayaa lagu eedeeyay inuu ka danbeeyo fidnada ka aloosan gobolada Jubbooyinka

Saleebaan Maxamed Ibrahim oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeedo deegaanada  Puntland ayaa isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in fidnada ka aloosan Puntland iyo Jubbaland in uu ka dambeeyo Faroole isagoona sidoo kale sheegay in Horjooge Faroole uu carqalad ku yahay geedi socodka Nabada Soomaaliya islamarkaana uu carqalad ku yahay Dowladda iyo nidaamkii lagu heshiiyay ee Federaalka.

Isku soo wada duuboo Siyaasi Saleebaan Maxamed Ibrahim ayaa waxa uu si cad u sheegay in arrimaha Kismaayo inuu siwayn faraha ugala jiro Horjoogaha maamulka Puntland, isla markaana uu doonayo oo kaliya inuu dagaalo sokeeye ka dhex huriyo Jubbooyinka dadka dagan.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/saleebaan.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com