Muqdisho(AGGM) Raisalwasaaraha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Mudane Saacid Faarax Garaad oo maanta ka hadlay dhibaatada shacabka soomaaliyeed ku dhaqan wadanka Koonfur afrika lagu hayo,waxaana uu sheegey inuu aad uga xun yahay in shacabka soomaaliyeed si qaab daran loola dhaqmo isla markaasna laysu darro dhac iyo dil.
Raisawasaare Saacid waxaa uu daboolka ka qaaday in dawlada Koonfur afrika aysan dan la lahayn dhibaatada lagu hayo shacabka soomaaliyeed ee dalkeeda qaxootinimada ku jooga,waxaana uu sheegey in dawlada Koonfur afrika ay kula xisaabtami doonaan ficillada xun xun ee loo geysto muwaadiniinta soomaalida.
Dhinaca kale waxaa uu tacsi u direy eheladii iyo dadkii dhawaan lagu dilay gudaha magaalooyinka wadanka Koonfur afrika,waxaana uu uga tacsiyeeyey geerida ku timid dadkaasi,waxaana uu sheegey inuu ka xun yahay in muwaadiinin soomaaliyeed loo dilo si bini aadamnimada ka baxsan isla markaasna hantidooda la dhaco.
Raisalwasaare saacid waxaa kale oo uu fariin u direy dawlada Koonfur afrika isla markaasna ugu baaqay inay dawladaasi wax ka qabato dhibaatada soomaalida qaxootiga ku ah dalkeeda lagu hayo,waxaana ugu baaqay in dawlada koonfur afrika sharciga hor keento dadkii dilay muwaadiniinta soomaaliyeed isla markaasna hantidooda dhacay.
Si kastey ahaataba waxaa hadalkan Raisalwasaare Saacid imaanayaa xilli maalmihi la soo dhaafey soomaali lagu laayey wadanka koonfur afrika iyagoo qaarkood loo dilay si bini aadamnimada ka baxsan isla markaasna la dhacay hantidoodii,waxaana wali ka socda qaybo ka mid ah magaalooyinka koonfur afrika dhibaatada shacabka soomaaliyeed lagu hayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com