Garoowe Oo Noqotay Hooyga Lagu Jarjaro Calanka Soomaaliya Iyo Dibadbax Ka Dhacay Halkaasi.*Daawo Sawiradda*

0

calankaGaroowe (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka la magac baxay Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas uu shalay ka dhacay banaanbax looga soo hor jeedo Dowladda Soomaaliya laguna taageerayay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Wararka ayaa sheegaya in halkaas dadka ay kala hadleen Madax ka tirsan mamaulka la magac baxay Puntland kuwaas oo sheegay in Mas’uuliyada dagaalka ka socda ay qaadato Dowladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cai oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay Goobta ayaa muujiyey taageerada reer Puntland u hayaan horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Sidoo kale banaanbaxayaashii ayaa jarjaray calanka Soomaaliya taas oo xad gudub iyo gaf ku ah dhamaan dadka Soomaaliyeed.

calanka

cal

Saciid Maxamuud Faarax
Garoowe,Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com