Muqdisho(AGGM) waxaa galabta Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka soomaaliya ku geeriyooday Wariye Xasan Maxamed Ismaaciil (Xasan Kuuriya ) oo ahaa wariye soomaaliyeed kana hawlgali jirey shabakada Hadhwanaagnews,waxaana la sheegayaa in geerida Wariyuhu timid ka dib markii ay maanta liqday xeebta liido.
Maalin kasta oo jimce ah waxaa xeebta Liido u bashaal taga boqolaal ruux oo ah dad ku dhaqan magaalada Muqdisho,waxaana ay dabaal tagaan xeebtaasi,waxaana la sheegey inuu Wariyuhu ka mid ahaa dadkii u bashaalka tagey xeebta,waxaana la sheegey in Mawjad biyo ahi qaaday isla markaasna ku dhex tuurtey Badweynta.
Shacabkii Soomaaliyeed ee halkaasi ku dabaalanayey ayaa la sheegay in maydkiisa cabaar ka dib awood u heleen inay ka soo saaraan badda,waxaana meydkiisa loo soo qaaday isbitaalada Magaalada Muqdisho mid ka mid ah.
Alle ha u naxariistee Xasan Kuuriya waxaa uu labadii sano ee u dambeyey ka shaqaynayey Website-ka Hadhwanaagnews news isagoo wararka uga soo tabin jirey magaalada Muqdisho,waxaana Geerida Xasan Kuuriya Maanta aad uga naxay dadweyne soomaaliyeed oo ku kala dhaqan daafaha calaamka.
Dhamaan Shaqaalaha Shabakada Allgalgaduud waxay tacsi tiraanyo leh u direysaa Ehaladii iyo qarabaadii uu ka baxay Xasan Maxamed Ismaaciil ( Xasan Kuuriya ) waxaana eebe uga baryeynaa Inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com