Muqdisho(AGGM) Jeneraal Cabdilaahi Cali Caanood oo ah taliyaha Guutada Kowaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ka arrimaha gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa cambaareyn u jeediyey Falaagada Alshabaab isagoo ku eedeyey in tamartii Alshabab ay ku soo ekaatey inay qabaa’illada Soomaalida iska hor keenaan.
Jeneraal Canood waxaa uu sheegey in ciidamada dawlada federaalka ah ee ku sugan nawaaxiga Degaanka Timire shalay isku dayeen inay kala dhexgalaan laba beelood oo degaankaasi ku dagaalamay isla markaasna hubka dhigis ku sameyaan,waxaana uu sheegey in arrintaasi ay ka dhalatey xiisad iyadoo Alshabaab beelaha ka dhex wadaan warar been abuur ah isla markaasna iska hor imaad keeni kara.
Caanood waxaa uu daboolka ka qaaday in Alshabaab hadda tamartoodi ku bedeleen inay qabaa’illada walaalaha ee ku wada nool gobolka Shabeelaha dhexe isku diraan isla markaasna isku hubeyaan iyagoo doonaya in degaanadaasi ay ku soo laabtaan dagaalo beeleedyo dhex mara dadka walaalaha ah.
Dhinaca kale waxaa uu Taliyuhu beeniyey inaysan ciidamada dawladu labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay aysan garab siin dhinacana,waxaana uu sheegey in arrintaasi wax laga waydiin karro labadi dhinac ee dagaalamay,waxaana uu sheegey in ciidamadda dawladu aysan qabiil ahayn isla markaasna ayna ku mideysan yihiin ciidamada qabaaiilada soomaaliyeed oo dhan.
Jeneraal Caanood waxaa uu sheegay in ciidamada dawladu xiisadaasi u taagan yihiin sidii ay u damin lahayeen isla markaasna wax badan uga qaban lahayeen,waxaana uu sheegey in daminta xiisadahaasi ay u guntadeen waxgaradka labada beelood oo gacan ka helaya ciidamada dawlada federaalka,waxaana uu shaaciyey in dhawaan xiisadahaas la soo afjari doono sida ugu dhaqasaha badan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com