Soomaaliya dhibaato xanuun badan iyo murugo badan muddo dheer ka dib ay soo martay, waxaa maantay jirta dowlad soomaaliyeed oo lagu han weyn yahay iney ku guuleysato “badbaadinta:dadka,dalka iyo diintaba” waayo waa dowladdii ugu horeysay dowlad rismi ah oo ka dhalata soomaaliya wixii ka dambeeyey burburkii iyo halaaggii soomaaliya ku dhacay 1991.
Waxaanan oran karaa oo aan shaki ku jirin iney dowladdu tahay mid ku dadaaleysa sidii ay waddanka dhibaatada uga saari laheyd waayo soomaaliya waxaay u baahan tahay badbaadin marka laga eego dhinac kastaba.
Muddadii yareyd ee ay jirtay dowladda soomaaliya waxaa u qabsoomay waxyaabo badan oo aan la arag ka dib markii ay burburtay dowladdii soomaaliya ka jirtey taariikhdu markay aheyd 26/01/1991.
Dowladdu wxaay kasbatay iney hesho aqoonsi rismi ah,waxaay soo celisey xiriiro caalami ah marka laga bilaabo heer gobol ilaa heer caalami ah,maantay soomaaliya calankeeda buluugga wuxuu ka dulbabanayaa goobo badan oo uusan ma muuqan wixii ka dembeeyey 1991.
Waxaa jira kooxo ujeedooyin kala duwan leh oo aan raali ka aheyn in soomaaliya ka baxdo dhibaatada waayo waa kuwo ku naaxay dhibaatada iyo dhiigga shacabka soomaaliyeed kuwaas oo doonaya iney dumiyaan dowladda curdunka ah ee ka hana qaaday soomaaliya.
Kooxahaan waxaay u qeybsamaan qeybo badan waana ku leh dano kala gaar ah,laakiin waxaay ka mideysan yihiin sidii ay dowladda u curyaamin lahaayeen.
Kooxahaan waxaay caado ka dhigteen iney mar walba taagnaadaan: TV-yada,Idaacadaha,website-yada, wadamada deriska ah iyo safaaraha reer galbeedka ee ka jira wadamada jaarka la ah soomaaliya iyagoo dacwo la taagan meel walba si ay dowladda u carqaladeeyaan.
Qaswadayaasha dowlad diidka ah waxaay gaareen heer ay qabyaalad iskugu wacdaaan gudaha iyo dibeddaba iyagoo wax laga xishooda isticmaalaya oo ah “yaa reer hebel ah, yaa tolkey ah, waa nala qabsaday iwm”
Madaxda dowladda soomaaliya markii xilka loo magacaabay maxaa loo dhiibtay? Jawaabtu waxaa waaye waxaa loo dhiibtay “Masuuliyad ama xil” laakiin wax kale looma dhiiban,sababtii xilka loogu doortayna waxaay aheyd iney waddan burburay nadaam ahaan,dadkiisiina u burbureen maskax ahaan ay samatabiyaan,waayo meel aan nadaam dowladeed ka jirin ayaa masuul looga dhigey marka taas waxaay la mid tahay meel desert ah in laga dhigo “OASIS” waxaan aaminsanahay ineysan wanaagsaneyn in eedeyn aan macna badan sameyn lagala hor yimaado madaxada dowladda soomaaliya, waxaayse aheyd in lagu garab istaago dowladda hawlaha loo idmaday si ay u gudato waajibaadka saaran.
Dowladdu wax badan bay ka qabatay gudaha iyo dibeddaba guulo badanna waa ka soo hoysey,marka laga hadlaayo waddanka gudihiisa madaxda dowladda gobol aysan tagin ma jiro marka laga reebo Waqooyiga soomaaliya, waana markii ugu horreysey in madax sare oo dowladda ah ay booqdaan dhul baxaaddaas leh waana guul weyn oo leh mudnaanteeda haddii aan la iska indho tireyn.
Arrimaha dibedda iyo xiriirka caalamiga sidoo kale guulo la taaban karo ayey dowladdu ka gaartay muddadii yareyd ee ay jirtey.
Waxaan u soo jeedinayaa dadka qabyaaladdu madax martay ee sida bareerka ah u caadeystey iney carqaladeeyaan dowladda soomaaliya u dhalatay” qabyaaladdu waa midda meesha xun soomaaliya gaarsiisey” qofna qabiil waxba kuma noqon karo , wax aad soomaalinimo ku weydey qabiil kuma heleysiin yaan nafta been loo sheegin, yaan caruurta iyo dumarka been loo sheegin qabiil baan barwaaqo idinku gaarsiinayaa waa shaqeyn diidey waaana soo aragnay muddo ka badan 22 sano.
Qofka siyaasiga ah waa inuu kalsooni ka raadsadaa bulshada soomaaliyeed laakiin inaad qabiil ku raadisid ma ahan wax shaqeyn kara waayo masuuliyadda ma qabiil baad u qabaneysaa mase qaranka soomaaliyeed waayo masuul qaran wuxuu matalaa shacabka, ee ma matalo qabiil.
Qabiil marka aad isticmaashid micnaha bulshada inteeda kale waad iska soocday, laakiin shacabka soomaaliyeed ma hurdaan waana og yihiin, qofka doonaya inuu u shaqeeyo iyo kan doonaya inuu ka shaqeysto.
Qofka marka xil loo dhiibo waxaa lagu gartaa inuu yahay mid u adeegaya danaha shacabka ama bulshada, iyo inuu yahay mid u adeegaya jeebkiisa iyo danaha gaarka ee asagu leeyahay.
Sidaa awgeed waxaa wax lala yaaba ah dad waaweyn oo aqoon shagayana haddana oranaya maxaay madaxda sare ee dowladdu “isku khilaafi waayeen” kuwaasoo shaashadaha TV-yada la soo fariista afkaar noocaas ah,waxaa qurux badnaan laheyd iney ka waantoobaan waxyaaba aan micnaha badan sameyneyn,isla markaana lagu xagal daacinayo hawlihii waddanka dhibaatada looga saari lahaa.
Taariikhdu iyaadaa is qorta isna sheegta mana duugoowdo, mid walbana waqtigeeda ayey leedahay.
Sidaa awgeed in xil laga raadiyo waddamada soomaaliya la jaarka ah waa la soo dhaafay waqtigeedii, soomaaliya soomaali baa iska leh,soomaalinimada in la qeymeeyo ayaa qurux badan.
Isku soo wada duub waxaan aaminsanahay in madaxda dowladda soomaaliya ay meel wanaagsan wax u marayaan diyaarna u yihiin iney waddanka badbaadiyaan waana iftiinka kaliya ay maantay shacabka soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba ay ilaashanayaan,marka laga reebo “Tinny-Minority” dad aad u yar.
Waayo shacabka soomaaliyeed intooda badan waxaay doonayaan “dowladnimo,qarannimo,nabad, nolol wanaagsan,karaamo iyo sharaf” waxaa intaas siin karana waa dowladnimo.
Haddii dowladnimo la waayo qarannimo ma jireyso,haddii qarannimo la waayana nolol ma jireyso,sidaa awgeed waxaa waajib ku ah shacabka soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba iney garab istaagaan dowladdooda, dowladdana waxaa laga doonayaa iney kaashato shacabkeeda dhinac kastaba , isku meelna looga soo wada jeesto Qaswadayaasha” Spoilers”
WQ: Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
jama191@hotmail.co.uk
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com