Kismaayo (AGGM): Guddoomiye ku xigeenkii maamulkii KMG ahaa ee magaalada Kismaayo, Yaasiin Nuur Gaas (Raadaar) ayaa goor-dhow lagu dhaawacay gudaha magaalada Kismaayo, kaddib markii qaar kamid ah maleeshiyada Raaskambooni rasaas ay isku fureen haleeshay gaadiidki uu watay Col. Yaasiin.
Lama oga xaaladda dhaawaca Yaasiin Raadaar, iyadoo weerarka lagu dhaawacay uu ka dhacay waddada aadda dekedda magaalada Kismaayo, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan iyo sababta ka dambeysay in la dhaawaco.
Mas’uulka la dhaawacay ayaa ka mid ah xubnaha sida dhow ugu shaqeeya Axmed Madoobe oo bishii hore sheegtay in loo doortay madaxweynaha maamul loogu magac-daray Jubbaland oo uu muran ka taagan yahay jiritaankiisa.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa AGGM u sheegay inay xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gudaha magaaladaas, taasoo salka ku haysa weerarka loo geystay Col. Yaasiin Nuur Gaas oo ahaa shirqool.
“Boqolaal ciidammo ah ayaa magaalada soo buuxiyay, qaybo magaalada ka mid ah magaalada waxaa ka dhacaysa rasaas xooggan, ganacsigana waa xirnay, cid walbana waxay ku sugan tahay gurigeeda” ayuu yri goobooge ku sugan Kismaayo oo la hadlay starfm
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horraantii bishan ka dhacay dagaallo aad u xooggan oo u dhexeeyay ciidamada Raaskambooni oo uu hoggaamiyo Axmed Madoobe iyo ciidammo taageersan Iftiin Xasan Baasto oo isaguna sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com