Muqdisho (AGGM): Guddiga arrimaha bini’aadannimada iyo xuquuqda aadanaha ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tagay qaar ka tirsan xerooyin ay ku jiraan barakacayaal.
Guddiga oo u kuur galayay xaaladaha ay hadda ku nool yihiin barakacayaasha Muqdisho ku sugan, ayaa tagay xerada Sayidka ee ku taal beerta daraawiishta ee degmada Howl-wadaag oo ay ku jiraan barakacayaal badan.
Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha bini’aadannimada iyo xuquuqul insaanka ee baarlamanka, xildhibaan Muuse Sheekh Cumar ayaa warbaahinta u sheegay inay warbixinno ka dhageysteen masuuliyiinta xerada iyo dadka ku nool.
Xildhibaan Muuse ayaa sheegay in ay arkeen dhibaato hooy-xumo, caafimaad darro iyo waxbarasho la’aan ah oo heysata barakacaayasha.
Wuxuu intaas ku daray in baahiyaha jira ay u gudbin doonaan dowladda iyo hey’adaha sama falka, si loo gargaaro dadka barakacayaasha ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com