Dhuusamareeb (AGGM): Dhallinyarada ku nool deegaannada gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku howlan u diyaar garowga xuska maalinta xorriyada ee 26-ka June oo ku beegan Arbacada soo socota.
Maalintaas gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa xorriyaddooda ka qaatay gumaystihii Ingiriiska.
Degmooyinka Dhuusamarreeb iyo Guriceel waxaa ka socda qaban qaabada xuska 26-ka June, iyadoo laga sii shaqeeyay bilicda deegaannada gobolka.
Waa sanad-guuradii 53-aad ee ka soo wareegtay markii gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay xorriyaddooda qaateen.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com