Kismaayo (AGGM): Xaaladda magaalada Kismaayo ee gobalka J/hoose ayaa maanta kacsan, iyadoona magaaladaasi laga dareemaayo saan Saan colaadeed oo u dhaxeeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegaaya in ciidamada Raaskmabooni ay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay kusoo weeraraan goobaha ay maamusho dowladda Soomaaliya ee magaaladaasi.
Dhanka kale Korneel Max’ed Deeq lagu magacaabo kana mid ah saraakiisha dowladda ee jooga magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyay ciidamada Kenya ee halkaasi ku sugan inay wadaan abaabulka dagaalo ka dhaca magaalada Kismaayo.
Waxa uu sheegay inay soo hubeynaayaan ciidamada Raaskambooni si ay dagaalo ula galaan ciidamada dowladda Soomaaliya isla markaana dagaal uga qarxo mar kale.
Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa waxa ay gurmad ka heleyaan dhamaan deegaanada ku dhow dhow magaalada Kismaayo iyo dadka ku dhaqan magaaladaasi.
Isku soo wada duuboo maalmahaan dambe magaalada Kismaayo xaalad ahaan waxay ahayd mid kacsan, waxaana magaaladaasi badi laga dareemaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay kala wadana labada dhinac ee isku Haya Maamulka Magaalada.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com