Kismaayo(AGGM) Waxaa hadda gudaha magaalada Kismaayo soo gaarey Col Cabaas Ibraahim Gurey oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dawlada federaalka ah ee soomaaliya,waxaana uu col Cabaas iyo xubno weheliya si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo ee xarunta jubadda hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin cutubyo ciidamadda dawlada ka tirsan oo isaga ka amar qaataa.
Col cabaas ayaa la sheegayaa inuu ka soo ambabaxay dhinaca caasimadda soomaliya ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo uu ku sugnaa maalmihi la soo dhaafay,waxaana la sheegayaa in dawladu xil muhiim ah u soo magacawday wallow aan si dhab ah loo ogeyn xilka loo magacaabay.
Col Cabaas ibraahim Gurey waxaa magaalada kismaayo u jooga in ka badan Kun askari kuwaasi oo uu dhawaan kala soo wareegay Magaalada ceelwaaq ee gobolka Gedo isla markaasna hadda ku sugan magaalada kismaayo,waxaana lagu wadaa inuu dib u habeyn ku sameeyo ciidamadiisa.
Col Cabaas ibraahim gurey ayaa la sheegayaa inuu saacadaha soo socda kulamo muhiim ah la qaadan doono dhinacyada isku haya siyaasada magaalada kismaayo,waxaana lagu wada inuu kulan la qaato wajiga hore Madaxweynaha Maamulka Jubaland Col Bare Aadan Shire sidoo kalena waxaa lagu wadaa inuu kulamo kale la qaato hogaamiyaha jabhadda Raaskambooni.
Si kastey ahaataba xaalada magaalada kismaayo ayaa ah mid degan walow mar marka qaarkood ay dhacaan dagaalo iyo iska hor imaadyo dhex mara maleeshiyooyin u abaabulan qaab qabiil isla markaasna khasaare ka soo gaaro dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.
Iska Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com