War Deg Deg Ah: Madaxweyne Bare Hiiraale Oo Sheegey Inuu Soo Afjari Doono Dagaalada Kismaayo

0

barre-hiiraale2Kismaayo(AGGM) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire Hiirale oo shir jaraa’id ku qabtey gudaha Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay dagaaladda culus ee ka socda qaybo ka mid ah magaalada Kismaayo,waxaana uu shaaciyey in dagaalkaasi u dhexeyo ciidamada Maamulka Jubaland iyo Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Madaxweyne Col Bare Hiiraale ayaa shaaciyey inuu saacadaha soo socda uu soo afmeeri doono dagaalada ka socda magaalada kismaayo isla markaasna gacan bir ah ku qaban doono amaanka guud ee magaalada kismaayo,waxaana uu sheegey in shacabka Magaalada kismaayo u dul qaadan waayeen dhibaatada ay ku ahayaan kooxda Raaskambooni oo uu ku tilmaamay Argagixiso,waxaana uu sheegey in dagaalada hadda socdaa ay yihiin kuwo lag afmeerayo Kooxda Raaskambooni.

Madaxweyne Col Bare ayaa shaaciyey in dagaalku socdo isla markaasna ciidamadiisu ay dagaalka ku gacan sareyaan isla markaasna waxa uu shaaciyey inuu in kooxo tiro yar oo raaskambooni ahi ka dagaalamayaan xaafada Farjano,waxaana uu sheegey inuu ugu baaqay inay kuwaasi isa soo dhibaan. Waxaa kale oo uu sheegey inay qaar kale oo ka tirsan maleeshiyada Raaskambooni isu dhiibeen ciidamada kiiniya ee jooga garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale waxaa uu sheegey in saacadaha soo socda lagu kala bixi doono Magaalada kismaayo isla markaasna la soo afjari doonto kooxaha dhibaatada wada isagoo ku tilmaamay in shacabka Magaalada kismaayo khaati ka taagnayeen jabhadda raaskambooni oo dhac iyo boob u geysan jirey.

Dhinaca kale waxaa uu sheegey in ciidamadiisu laba gaadiidka dagaalka ah ay gacanta kaga dhigeen Jabhadda raaskambooni,waxaana uu sheegey sidoo kale inay gacanta ku hayaan ciidamado ka tirsan Raaskambooni oo ciidamadiisu gacanta ku dhigeen,waxaana uu sheegey inuu saxafada u soo bandhigi doono.

Si Kastey ahaataba waxaa hadalkani imaanayaa xilli dagaalo culus wali ka socdaa xaafadaha kismaayo qaybo ka mid ah isla markaasna labada dhinac meelaha qaarkood isku waydaarsanayaan hub culus oo ay ka mid yihiin madaafiic iyo gantaalaha garbaha laga tuuro mana jiraan cid ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ah oo soo kala dhexgalay dagaaladaasi isla markaasna sidoo kale ma jiraan cid ka tirsan waxgaradka kismaayo oo isku hawlaya inay dagaalada joojiyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com