Kismaayo(AGGM) Ciidamada Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegaya inuu dagaalkii saaka khasaare lixaad leh ka soo gaarey isla markaasna loogu celiyey meelihi ay duulaanka ka soo qaadeen,waxaana la sheegayaa in dagaalkan maanta uu ahaa midkii ugu darnaa ee kooxahaa dagaalamayaa isu adeegsanayeen hub culus oo ay ka mid yihiin Jiib Gacmeed iyo Hoobiyeyaal.
Ciidamada Col Bare hiiraale ayaa la sheegayaa inay ku guuleysteen inay Jabhadda Raaskambooni dib ugu celiyaan duleedka magaalada kismaayo oo ay saaka weerar gaadmo ah ka soo qaadeen,waxaana la sheegayaa inay weerarkaasi ku soo beegsadeen fariisinka ciidamada dawlada federaalka ah ee Warshada hilibka isla markaasna ciidamadii Warshada hilibka fadhiyey ay iska difaaceen dibna ugu celiyeen meelihii ay dulaanka ka soo qaadeen.
Dagaalka ayaa hadda ka socda duleedka Meeshii madaxtooyada u ahayd kooxda Kambooni,waxaana la sheegaya inay halkaasi kaga carareen dhaawac iyo maydad badan oo dhinacooda,waxaana la xaqiijinaya in guud ahaan inta badan magaalada kismaayo gacanta ugu jirto ciidamada daacadda u ah Col Bare hiiraale iyo Masuuliyiin kale oo ay isbahaysi yihiin.
Dhinaca kale ciidamada raaskambooni ayaa la sheegaya inay dagaaladaasi hadda socda ku jabeen isla markaasna looga aqoon batey dagaalka Magaalada dhexdeeda ,waxaana la sheegayaa inuu khasaare badan ka soo gaaray dhinacooda maadama ay magaalada kismayo ku cusub yihiin kana yimaadeen degaano kale.
Ugu dambeyntii dagaalka ayaa ka socda duleedka Madaxtooyadda Kooxda Kambooni.waxaana lagu wadaa in soo afjaristiisa uu soo dhamaado saacado ka dib iyadoo dagaalku gabaabsi yahay,waxaana la sheegaya in ciidamada Col Bare hiiraale sheegeen inaysan ka hareyn ilaa ay geeyaan degaank ka fog magaalada kismaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com