Kismaayo(AGGM) Horgalka lagu Magacaabo Cabdisamad Cali Shire oo lagu tilmaamo Ku xigeenka Madaxweyne Faroole ayaa ka hadlay arrimaha Magaalada kismaayo,waxaana uu sheegey inaysan ciidamada dawlada kiiniya aysan ka baxayn Magaalada kismaayo isagoo beeniyey inaysan ka qayb galin dagaalka Kismaayo.
Horgal Cabdisamad Cali Shire oo iibsaday dhulkiisi hooyo isla markaasna Maamulka Somaliland gacanta u galiyey ayaa ka hadlaya Magaalada Kismaayo iyo Gobollada Jubooyinka,waxaana arrintaasi ka yaabiyeen shacab badan oo daafaha caalamka ku sugan iyadoo dadkaasi isweydiinayaan Cabdisamad Cali Shire Ujeedada uu uga hadlayo gobollo kale xili uu goboladiisu siistey shilimaad.
Horgal Cabdisamad Cali Shire ayaa lagu sheegayaa inuu ciidamada Somaliland gacanta u galiyey Gobolada Sool,Sanag Iyo Cayn,waxaana la sheegey in uu Maamulka Somaliland ka qaatay lacag aad u badan iyadoo sidoo kale la sheego inuu Maamulka Puntland uu dhulka qaarkood uu ku wareejiyey Sida Degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Cabdisamad Cali shire ayaa la sheegey inuusan awood ku lahayn Madaxtooyada uu degan yahay ee Puntland isla markaasna ay ka amar wayn yihiin Wiilasha uu dhalay Madaxweyne Faroole kuwaasi mar mar ka qaarkood kula kacaan falal bini aadamnimada ka baxsan isla markaasna Masuuliyad darro ah.
Ugu dambeyntii nin dhulkiisi ka quustey ayaa ka hadlaya degaano kale gaar ahaan degaano u jira Masaafo dheer,waxaana taalabadan u muuqata in Faroole iska soo horeysiinayo isla markaasna uu shaashadaha telefeshiinadda u dhigayaan,waxaana Faroole yahay nin inta badan ku daneysta Cabdisamad Cali Shire oo ah nin caado qaate ah isla markaasna shilinka tix galiya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com