Xog Culus: Aw Libaax Iyo Axmed Madoobe Oo Kala Fogaaday,Is Gacan Qaadna Ku Sigtey

0

awlibaax-roma1221Kismaayo(AGGM) Shiikh Maxamed Yuusuf Aw Libaax Iyo Hogaanka Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay labadii Maalmood ee la soo dhaafay xiisad darani ka dhex aloosnayd: Labadan Nin ayaa ku heshiis ku ahaa Jabhadda Raaskambooni iyo Maamulkii Iskiis isu Magacaabay Ee Axmed Madoobe.

Shiikh Maxamed Yusuf Aw Libaax ayaa la shaaciyey inuu aad uga xumaaday hadalladda ka soo yeeraya Waxgaradka Iyo Siyaasiinta Beesha Ogadeen,waxaana uu Aw Libaax  Axmed Madoobe si bareer ah ugu sheegey in Arrimaha Jubooyinka wax ka socda Beesha Ogadeen masuul ka tahay.

Aw Libaax ayaa ka xanaaqay Weerarkii Ciidamada Kiiniya ka geysteen magaalada kismaayo,waxaana la sheegay inuu aad uga carooday Hadalladii dhawaan ka soo yeerey Axmed Madoobe iyo  Xildhibaan Xidig oo iyagu u hadlay sidii ay afhayeen u yihiin Ciidamada Kiiniya ee dagaalada ka wada Magaalada Kismaayo.

Shiikh Maxamed Yuusuf Aw Libaax ayaa la sheegay inuu Axmed Madoobe ku eedeyey inuusan ka tanaasulin qabyaalad isla markaasna uusan u dulqaadan karin,waxaana la sheegayaa inay labadooda ka gaartey Gacan qaad isla markaasna uu hadda ka dhex aloosan yahay muran aad u xoogan.

Aw Libaax ayaa ku eedeyey in ciidamada Kiiniya iyo kuwa Raaskambooni ay gabood fal ka geysteen magaalada kismaayo,waxaana la sheegayaa inuu Aw Libaax Arrimahaasi aad uga carooday isla markaasna ku dhaawaqay inaysan jirin wax Maamul ah oo kismaayo ka jiraa isla markaasna uu cadeeyey mawqifkiisa ku aadan Ciidamada kiiniya iyo Jabhadda Raaskambooni.

Khilaafkan ayaa ah mid hore loo iclaamiyey maadama Beesha Aw libaax ka soo jeedaa inteeda badan aysan tageersanayn Kooxda Axmed Madoobe,waxaana Aw Libaax iyo kooxdiisa la jiffada ahi xaqiiqsadeen siyaasadda dhabta ah ee ka jirta Gobollada Jubooyinka,waxaana lagu wadaa sida la sheegayo inuu Aw Libaax Maalmaha soo socda gaaro Gobolka Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com