Ra’iisul Wasaarah Oo Booqday Dakadda Iyo Garoonka Diyaradaha Ee Magaalada Muqdisho.

0

saiMuqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay weheliyaan Wasiirka Maliyada iyo Qorsheynta Qaranka mudane Maxamud Xasan Suleymaan, Waiirka Howlaha Guud iyo Dakaddaha mudane Muxiyadiin Maxamed Kalmooy, iyo Wasiir Ku-xigenka Warfaafinta, Boostadda, Isgarsinta iyo Gaadiiddka Cabdishakuur mudane Cali Mire ayaa booqday meelo ay ka mid yihiin dakadda iyo Garoonka diyaradaha ee Muqdishu.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirada ayaa markii ay booqdeen goobahaan ayaa waxaa hanaanka shaqo uga warbixiyay hawl-wadeenada dawladda oo u sharaxay hanaanka shaqo iyo isbadalada ay ku tilaabsadeen si kor loogu qaado wax-soosaarka illaha dhaqaalha dalka. Dhanka kalana waxay ka uga warbixiyeen baahida ay dekeddu u qabto dib-u-habayn iyo in la sii casriyeeyo.

Mudadii uu Ra’iisul Wasaaruhu kormerayay dekadda waxda uu guddaha u galay hoolasha ama baqkhaarada lagu dajiyo waxyabaha ka soo daga Ddekedda, wuxuuna soo indho-indheeyay maraakiibta ku xirtan dekadda iyo baraha ay ku soo xirtaan oo qalab casri ah lagu soo kordhiyay dhawaan lana suurto galiyay inay ku soo xirataan marakibta ku wooda sida kunteenarada waa-weyn.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in ay dawladdu iska xil saarayso horumarinta dekeda, iyo sidii shaqadeeda loo si laba jibaari lahaa, lona heli laha dakaddo kale dalka ka saacida in dhoofku kobco. Waxaana uu dhanka kale uga mahad naqay mamulka iyo shaqalaha sida wanagsan ee ay howshooda u guteen, asagoo farta ku fiiqay in uu jiro kor u kac dhanka lacagaha ka soo xarooda dakadda Muqdisho.

“Dhawaan waxaan ku rajo weynahay inaan suurto galino in hawlaha dakaddu si weyn u kobcaan. Waan casriyaynaynaa dekadda hawl ahaan iyo qalab ahaanba,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo la hadlaya hawl-wadeenadii dakedda Muqdisho.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga dawladdu waxay sidoo kale soo kormeren garoonka diyaradaha ee Muqdisho ee Aadan-cade, waxayna soo indha in dheyen qeybaha kala duwan ee garonka oo ey ka mid yihiin qeyba dulista iyo sadasha hawada iyo waliba qeybta maliyada. Mudaddii ay ku guda jireen kormeerka gagida dayuuradaha waxay sidoo kale dhagaysteen warbixino la xariira shaqada iyo hawlaha la xariira nidaamka socdaalka dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa booqashadiisan ku tilmaamay mid lagu dar-dar galinayo habsani u socodka hawlaha illaha daqaalaha dalka ee ay ugu horeeyaan dekadda iyo garoonka Muqdisho. Waxaana uu hawl-wadeenadii dhamaantood kula dar-daarmay inay dareemaan masuuliyada qaran ee saaran asagoo xusay in dawladdu si buuxda ulla socoto shaqada ka socota labada goobood.

“Waa muhiim in aad masuuliyad dheeri ah isa saartaan kana dhawrsataan wax kasta oo curyaamin kara hawsha qaran ee aad haysaa,” ayuu kula dar-daarmay Ra’iisal Wasaaruhu shaqaalihii iyo masuuliyiintii labada goobood.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Xafiiska Warbaahinta Ra’iisal Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com