Shacabka Kismaayo Oo Sheegay Inay Ka Barakaceen Duqaynta Taangiyada Iyo Diyaaradaha Kenya.*Dhagayso*

0

top newsMuqdisho (AGGM): Shacabkii isaga barakacay dagaaladii Kismaayo ka dhacayay maalmihii lasoo dhaafay oo warbaahinta qaarkood la hadlay, ayaa sheegay ineey isaga barakaceen duqeymaha diyaaradaha Kenya oo aan kala sooceen shacab iyo Maleeshiyada dagaalka kula jirtay Maleeshiyada Raaskambooni.

Haweeyneey kamid ah dadka isaga barakacay gudaha Kismaayo haatana ku sugan meel duleedka ka ah magaalada, ayaa sheegtay ineey isaga soo qaxday xaafada Guulwade, oo ahayd halkii ay sida xun ugu dagaalameen Ciidamada Barre Hiiraale iyo kuwa Kenya.

Waxa ay sheegtay dagaalka ciidanka kasokoow inay iyaga ka barakaceen,diyaaradaha dagaalka Kenya oo si weyn kaga qeyb qaatay dagaalkii ka dhacay xaafada Guulwade taasi oo shacabka ku kaliftay inay halkaasi isaga barakacaan.

“Indhahaygu waxay qabteen intii uu dagaalka socda Taangiyada Kenyatiga oo si xoogan uga qayb qaadanaya dagaalka islamarkaasna la safan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxay tuurayeen madaafiic xoogan iyagoon u aaba yeeleen shacabka” ayay tiri Haweeneydaan oo wareysi siineysay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho.

Taliska ciidanka Kenya ee Kismaayo ayaa hadal uu siiyay warbaahinta ku beeniyay wararka sheegaya inay dagaalka ka qeyb qaateen,inkastoo shacabkii ka qaxay Magaalada ay xaqiijiyeen in Kenya dagaalka ay qeyb weyn ku laheyd.

Wasiir ku xigeen wasaarada Warfaafinta DFS C/shakuur Cali Mire ayaa maalmo kahor shir jaraa’id uu Muqdisho ku qabtay waxa uu Ciidanka Kenya ku eedeeyay ineey ka qayb qaateen dagaalka Kismaayo islamarkaasna ay la safteen maleeshiyada Raaskambooni.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Voice_023.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com