Muqdisho (AGGM): Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo a warbixiyay arinta Xassa Daahir Aweys ayaa sheegay in dowladda federaalka uu gacanta uu jiro, islamarkaana ku sugan yahay goob amaan ah.
Waxaa uu sheegay ra’iisal wasaare Saacid uu siweyn ugu mahad celinay oo odayaashii iyo waxgaradkii Xassan Daahir ka soo galbiyay ama ka keenay magaalada Cadaado, waxaana uu dhinaca kale ka raali-galiyay odayaasha falkii ay kula kaceen ciidamada nabad-galyada.
”Xassan Daahir waa nin oday ah oo siweyn looga garanayo dalka oo dhan, waxaa u soo maray marxalado kala duwan, hadda waxaa uu ku jiraan gacanta dowladda federaalka, xili kastana waa leyla socodsiiyaa xaaladiisa,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Saacid.
Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirto istiraatijiyad cusub oo loo dhigay ama loo dajiyay amniga magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in qorshahaas cusub ee wax looga qabanayo nabad-galyada lagu magacaabo [Shabeel]
Odayaasha iyo waxgaradka ay isku heybta yihiin Xassan Daahir Aweys ayaa maalmihii ugu danbeeyayba waxaa ay dowladda cadaadis ku saarayeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo, iyaga oo sheegay in Xassan uusan wax danbi ah laheyn, laakiin waxaa isha si gaar ah loogu wada hayaan hadba talabaada ay dowladda ka qaadato arinta Xassan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com