Baarlamaanka Oo Mar Kale Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Gudoonka

0

jeyMuqdisho(AGGM) Mudanayaasha baarlamaanka ayaa markale ka dooday maanta hindise sharciyeedka Gardoon kaasi oo shalay ay qaar ka mid ah xildhibaannadu dood ka keeneen, maadaama uu u baahanyahay eray bixin.

Kalfadhiga aan caadiga aheyn kulankiisa 7-aad oo ay maanta mudanayaasha baarlamaanku ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa waxaa soo xaadiray 142 mudane, iyadoo uu shir gudoominayay Jeylaani Nuur Iikar Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya,

Ajandaha kulanka maanta waxa uu ahaa dooda maalinta labaad ee hindise sharciyadeedka Gardoonka oo ay Wasaaradda Garsoorka u soo gudbisay xildhibaanada, waxaana ay xildhibaanada intooda badan soo jeediyeen talooyin ku aadan in laga badalo magaca Gardoon oo dood badan abuurtay iyo sidoo kale in wax badan laga badalo qaab dhismeedka ay Wasaaraddu usoo gudbisay hindise sharciyeedkan.

Dooda kadib waxaa kulanka so xiray Mudane Jeylaani Nuur Iikar Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka waxa uuna faray gudigga baarlamaanka ee Garsoorka iyo arrimaha diinta in ay kasoo baaraan degaan oo ay wax ka badalaan qodobadii ay soo jeediyeen xildhibaannadu,

Dooda ugu badan oo ay xildhibaannadu ka galeen hindise sharciyadedkan ayaa ahaa magaca oo ah Gardoon, iyadoo xildhibaannadu ay ku tilmaameen mid ku cusub dhagaha shacabka loona baahanyahay magac xambaarsan marxaladda lagu jiro, waxaana lagu balamay in maalinta sabtida ah ay gudiga garsoorka iyo arrimaha diinta ee baarlamaanka u soo gudbiyaan hindise sharciyadeedka Gardoonka dalka oo tifaftiran si loo meel mariyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com