Dibadbax Looga Soo Horjeedo Xasuuqa Ay Ciidamada Kenya Ka Geeysteen Magaalada Kismaayo Oo Ka Dhacay Washingto DC. *Dhagayso*

0

saWashington DC (AGGM): Dadweyne aad u farabadna oo ka kala tagay gobolada dalka maraykanka ayaa waxa ay ku banaanbaxeen Safaarada dalka Kenya ay ku leeyihiin dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Washiton DC, waxaa ayna dadkani ka kala yimaadeen gobolada dalka Maraykankan qaar iyaga oo goobta ku gaaray Basas waaweyn isla markaana xili qoraxdu aad u kulushahay lana Soomanaa  ku qeylinayay erayo ka dhan ah Kenya.

Waxa ay dadkani lalminayeen Calmada dalka Soomaaliya iyo kan Maraykanka ee ay dhalashadiisa haystaan ama ku noolyihiin.

Waxa ay ka cabanayeen xadgudubyada ay dowlada Kenya u gaysatay shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay ciidank akeenya madaafiicda aan loo meel dayin ugu garaaceen dad rayid ah oo ku noolaa magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

“Ciidanka Kenya waxa ay sameyeen xadgudub, waxay noo gaysteen dhib ka daran kii Al-shabaab waxa ayna layeen hooyooyinkeen, Caruurteenii, Dhalinyaradeenii waxa ayna bur buriyeen hantideenii, waxa ay si sharci daraa u isticmaalaan hantidia dalka Soomaaliya oo ay Dekeda iyo Ayraboorku ugu horeeyaan iyaga oo si sharciga caalamiga ka baxsan ugu xadguduba dhaqaalaha iyo xoriyada dalkeena, waxa ay si aan xishood lahayn ula dhaqmeen Madaxda dowlada sida wasiiro iyo saraakiil ciidan, waxayna si ka fiirsasho la’aan ah ama qaawan u bur buriyeen Ciidankii dowlada ee Kismaayo daganaa, Kenya waxa ay dalkeena ka wadaa xadgudub ka dhan ah xoriyadeena iyo jiritaankeena waxayna doonaysaa in ay dalkeena ku qaadato si fudu” Waxaa sidaa Tiri Anab Abdi Warsame  oo ka mid ah abaabulayaashii banaanbaxan.

Idaacadaha VOA iyo BBC ayaa banaabaxayaasha ka warasytay ujeedkooda iyo waxa ay meesha u yimaadeen isla markaana Su’aalo ka weydiiyay sida wax u soconayeen.

Bilan Cali iyo Adan Shimbirolays ayaa si weyn dareenkooda ugu cabiray dhibaatada kenya ka wado gudaha Soomaaliya iyaga oo ku tilmaamay dowlad doonaysa in ay dhulkeena qaadato xili ay haystao dhulkii Soomaalida ee la oran jiray NFD.

“Farah Hared oo kamid ah dhalinyarada wax ka barata jaamaca OSU kana mid ahaa dadkii soo gaaray DC ayaa yiri “Dowlada Soomaaliya waxaan u sheegaynaa in ay arintaan il gooniya ku eegto isla markaana ay ka dhabayso mowqifkeeda iyaga oo ka saaraya kenya Dalka Soomaaliya maadama ay ka baxday balamihii AMISOM ay ku yimaadeen dalka Soomaaliya, ma doonayno in la laayo shacabkeena waxay u bahanyihiin Nabad iyo xasiloni 22 sano kadib, mahan xiligii dagaalka sokeeye naloogu badali lahaa xasuuq shi sheeye”

Waxay baaq u direen Beesha Caalamka,  Qaramada Midoobay. Dowladaha daneeya arimaha soomaaliya iyo Dowlada Soomaaliya in ay ilgooniya ku eegaan sida ay Kenya u wado damaacigeeda foosha xun ee ku aadan Dalka Soomaaliya.

Dhagayso waraysiyada iyo dareenka banaanbaxayaasha .

Halkan Hoose Ka Dhagayso VOA

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/dibad_voa.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Halkan Hoose Ka Dhagayso BBC

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/dibad_bbc.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Filo Dhawaan Sawiradii Banaanbaxa Oo Dhamaystiran Hadduu Alle Idmo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com