Garoowe(AGGM) Maxkamadda Ciidamada Maamulka Puntland ayaa maanta go,aan rasmi ah ka gaartey Kooxdii dishay Alle u naxariistee Shiikh Cabdulqaadir Gacamey oo ahaa shiikh si weyn looga wada yaqaanay dhulka Soomaaliyeed oo dhan isla markaasna ahaaa nin si weyn shacabka Soomaaliyeed u wada jeclaayeen.
Maxkamadda ciidmada qalabka sida ee Puntland ayaa ku xukuntay dil toogasho ah oo racfaan aan laga qaadan karin eedeysanayaasha kala a:
- Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac Bile Oo Lagu Eedeyey Dilkii Alle ha u naxariistee Shiikh Cabdulqaadir Gacameey
- Cabdulaahi Cismaan Axmed Oo Isna la sheegey inuu qayb lixaad leh ka qaatey dilka Shiikh Cabdulqaadir Gacamay gacanna siinayey ninka dilka fuliyey.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda Cabdikariim Xasan Firdhiye ayaa sheegay in wakhtigii ay maxkamaddu labadaas eedeysane fursadda u siisay in ay rafcaanka ku qaataan uu ka dhamaaday, natiijadii racfaankii ay qaateena uu noqday mid aan waxba soo kordhin.
Sidoo kale waxuu sheegay xeer ilaaliyaha maxkmadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, in go’aankaas mid lamid ay maxkamaddu ka qaadatay 5-qof oo kale oo iyaguna ku eedeysnaa in ay gacan weyn ka geysteen dilkii Sheekh C/qaadir Gacamey.
Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac Bille ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay dadweyne meesha dilkii Sh. C/qaadir ka dhacay ka ag dhawaa, kuwaasi oo markii danbe ku guuleystay iney qabtaan 15-kii Febraayo ee sanadkan. Waxaana sidoo kale ninka lagu magacaabo Cabdulaahi Cismaan Axmed Ciidamada Maamulka Puntland oo kaashanaya kuwa Somaliland ku guuleysteen inay ka soo qabtaan magaalada Laascaanood isagoo rabay inuu ka soo baxsado.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com