Kismaayo(AGGM) Ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Gobolka Jubadda Hoose ayaa la sheegaya inay maanta duqeyn u geysteen Xarumo ay ku sugan yihiin dad shacab ah oo ka barakacay Magaalada Kismaayo kuwaasi oo halkaasi ku sugan.
Goob Jooge ku sugan Tuuladda Goobweyn ayaa warbaahinta Allgalgaduud u xaqiijiyey in weerarkaasi ahaa mid lagu bartilmaameedsaneyey ciidamada Col Bare Hiiraale ee degaanadaasi ku sugan balse Duqeyn taasi haleeshay dad shacab ah oo ku sugnaa duleedka Magaalada Goobweyn.
Ciidamada dawlada Kiiniya ayaa si cad u wada tageero ay u fidinayaan Jabhadda Raaskambooni ee laga soo aruuriyey Gaarisa Gubaay iyo Kilinka 5-aad kuwaasi oo dhibaato xoogan ku haya shacabka Soomaaliyeed,waxaana Weerarkan maanta la sheegay inuu ahaa mid duqeyn ah oo ciidamada Kiiniya ka soo tuurayeen markab taagan Xeebaha Jubada Hoose.
Goob Joogahan waxaa uu shaaciyey in duqeyntaasi ay ku dhaawacmeen laba ruux oo rayid ah isla markaasna ay soo gaareen dhaawacyo fudud hadana lagu daawaynayo isbitaal ku yaala Goobweyne,waxaana uu sheegey in weerarkani uu yahay mid dhibaato loogu geysanayo dadka degaanka.
Ugu dambeyntii Ciidamada dawlada Kiiniya ayaa wada Qorshe ay ku rabaan inay ku xalaaleystaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda Hoose isla markaasna ka heleen dhaqaale aad u badan kaasi aysan ciidamada kiiniya ee kusugan magaalada Kismayo aysan ka heli jirin dalkooda.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com