Kismaayo(AGGM) Ka dib markii gumaadka foosha xun ee ay wadaan Jabhadda Raaskambooni Iyo ciidamada Kiinyia lugaha la galeen meelo badan waxay khasabtay in Maleeshiyooyin badan oo beelo kala duwan ahi ka baxaan Magaalada Kismaayo isla markaasna ay ku biiraan ciidamada Xoogga Dalka ee Ku sugan Magaalada Goobweyn ee duleedka Magaalada Kismaayo.
Shalay galinkii dambe waxaa gudaha Magaalada Kismaayo si bareer ah loogu toogtey Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Jabhada Raaskambooni kaasi oo lagu magacaabi Jirey Nuux Maxamed Aadan isla markaasna ka soo jeeday Beesha Dhulbahante,waxaana arriintaasi sababtey in ciidamadiisi ka baxaan magaalada Kismaayo.
Ciidamadan ka soo jeeda Beesha Dhulbahante ee Maanta sida tooska ah ugu biirey Ciidamada dawlada Federaalka ah ee u hogaamiyo Madaxweyne Bare Aadan Shire Hiiraale ayaa la sheegayaa in maanta soo dhaweyn wanaagsan loogu sameeyey Tuuladda Goobweyn halkaasi oo geel badan loogu qalay.
Ciidamadan ayaa sheegay inay u dul qaadan waayeen dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan kuwa Jabhadda Raaskambooni,waxaana ay sheegeen inay shalay gudaha Magaalada kismaayo si bareer ah ugu dileen Dhawr ruux oo ay ku jiraan saraakiil ka soo jeeda Beelaha Dhulbahante Iyo Majeerteen.
Talaabadan Jabhadda Raaskambooni waxay cadeysay inaysan dhalan degaanada Jubooyinka isla markaasna ay tooganayaan shaqsi kasta oo ku sugan magaalada Kismaayo,waxaana arrintani tahay mid ay aad walaac uga muujiyeen shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo,waxaana arrintaasi ku tilmaameen isir tirtir dadka ka soo jeeda gobolada Jubooyinka.
Ugu dambeyntii Ciidamadan ayaa sheegey inay dagaal ba,an la gali doonaan maalmaha soo socda ciidamada Jabhadda Raaskambooni isla markaasna la safanayan ciidamada dawlada federaalka ah ee soomaaliya,waxaana ay sheegeen in Ciidamada Kiiniya iyo kuwa Raaskambooni ay dhibaato xoogan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay dalka iyo dadka laga xoreeyo.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Voice_011.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Source-ka Codka: KSO
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com