Wafdi Ka Socda Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Booqasho Ku Jooga Magaalada Caabudwaaq.

0

caabudwaaqCaabudwaaq (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in Wafdi ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya oo qeymeyn ku sameynaya gobolada dhexe ee Soomaaliya ay gaareen magaalada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud kuwaasi oo kulamo la qaadanaya mas’uliyiinta maamulka.

Wafdigan oo shalay ka degay garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa maqribnimadii xalay gaaray degmada Cabuudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxeyna kulamo la qaateen mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi.

Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo tababarrada ee wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka Badda Dekedaha iyo tamarta C/llaahi Maxamuud Cali oo ka mid ah xubnaha wafdigaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ujeedada socdaalkoodqa ay tahay iyagoo waday barnaamijka New Dail oo wadankoo dhan ka socday kaas oo sida ay sheegeen ay ka soo qabteen gobollada Shabeellooyinka.

‘’Xalay waxaan la kulanay dhamaan qeybaha bulshada degmada Cabuudwaaq waxaana weydiinnay baahidooda iyo waxa ay doonayaan in loo qabto,  barnaamijkana sidiisaba waxaa weeyaan in dadka la weydiiyo xogtooda la xiriirta waxa ay doonayaan in loo qabto’’ Sidaasi waxaa yiri C/llaahi Maxamuud Cali.

Wafdigan booqanaya gobollada dalka ayaa isugu jira mas’uuliyiin ka socota wasaaradaha dalka kuwaas oo uu hoggaaminayao Prof. Abuukar Cismaan ‘’Looxoow’’ oo ka tirsan wasaaradda Maaliyadda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com