Hawlgallo Amni Sugid Ah Oo Habeenkii Ka Socda Muqdisho (Sawiro)

0

DSC042661Muqdisho(AGGM) Howlgaladan xalay saqdii dhexe Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka sameeyeen magaaladda Muqdisho ayaa waxa ay ahaayeen kuwo la xiriiray xaqiijinta amniga caasimadda iyo ka hor taga falalka ka dhanka ah amniga oo ay wadaan haraadiga maleeshiyaadka Al shabaab, oo ay ku doonayaan in ay ku carqaladeeyaan amniga Gobolka

Howlgaladan xalay laga sameeyeeyey isgoysyada magaaladda Muqdisho iyo qaar ka mid ah xaafadaha degmooyinka gobolka banaadir ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay ciidamada booliska iyo kuwa nabad Sugida Qaranka, iyadoo uu horkacayay Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guud Cabdixakiin Daahir Saacid iyo saraakiil kale oo hay’adda nabad sugida katirsan.

Isgoysyada ay xalay ciidanku tageen waxaa ka mid ah KM4, KM5, Banaadir, Ex-Control Afgooye, Baar Ubax iyo Isgoyska Towfiiq oo dhamaanba ay ku suganyihiin ciidamo amniga u xilsaaran. iyadoo saraakiisha xalay howlgalkan waday isgoys walba marka ay gaaraan ay warbixino ka dhagaysanayeen saraakiisha u xilsaaran hadba isgoyska ay tagaan.

Inkastoo dhamaan isgoysyada xalay si isku mid ah ay howlgalada uga socdeen hadana waxaa si caadi ah u socday howlaha isgoysyadaasi oo waxaa wadooyinka waaweyn ku damaashaadayay dhalinyaro Soomaaliyeed oo la dhacsanaa howlaha amniga sugidda oo ay umadda u hayaan ciidanka.

Mid ka mid ah dhalinyarada ku nool magaaladda Muqdisho oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa tibaaxay  in ay soo dhaweynayaan kormeerka ay sameynayaan saraakiisha ciidanka booliska iyo kuwa nabad sugidda oo u jeedkoodu yahay xaqiijinta sida ay u socdaan howlaha amni sugidda.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeya Guud Cabdixakiin Daahir Saacid oo howlka kadib saxaafadda la hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalladu ay yihiin kuwa looga hortagayo falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha Al shabaab, isagoo xusay in la sii wadi doono howlgallada nuucaasi oo kale ah.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan dad ay dhibeyso nabada gelyada ka jirta dalka, isagoo intaa ku daray in ay gacan bir ah ku qaban doonaan dadka ku shaqada leh argagixinta bulshada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC04263DSC04268DSC04269DSC04271DSC04276DSC04283DSC04287DSC04299DSC04310DSC04322DSC04323DSC042661