War Deg Deg Ah: Markab Dhuxul Fara Badan Ka Daabulaya Dekeda Magaalada Kismaayo.

0

Ruby-Star2Kismaayo (AGGM): Wararka iminka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Markab weyn uu ku xiran yahay Dkeda Kismaayo, kaasoo lagu rarayo dhuxul taal magaalada.

Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Kismaayo markabkan ayaa ku soo xirtay Dekeda si loogu daabulo dhuxul, iyadoo tani ay jebineyso cunaqabateynta dhoofinta dhuxusha ee horay Qaramada Midoobey ugu soo rogtay Soomaaliya.

Nabadoon ka soo jeeda magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dhoofinta dhuxusha ay si xowli uga socoto dekeda Kismaayo, ayna ku lug leeyihiin saraakiisha Ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskambooni ee gacanta maamulka magaalada.

Markabkan ayaa tan iyo xalay lagu rararay dhuxul, waxaana la sheegay in dhuxusha la saarayo qiimaheeda uu gaarayo 150-kun oo doolarka mareykanka.

Warbixin dhowaan ka soo baxday Kooxda la socodka iyo daba galka cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo ay ku lug leeyihiin dhoofinta dhuxusha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhamaadkii sanadkii hore mamnuucay dhoofinta dhuxusha iyo jarista dhirta, iyadoo taasi ka dambeysay khilaafka ka dhashay magaalada Kismaayo iyo maamulkeeda oo aanay dowladda faraha ugu jirin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com