Horjooge Axmed Madoobe Oo Ka Qayb Galay Aaska Askar Looga Xasuuqay Afmadow

0

179212Kismaayo(AGGM) Horjoogaha Jabhadda Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa la sheegay inuu maanta u duulaya Magaalada Afmadow ee gobolka Jubadda hoose halkaasi oo habeen hore ay la wareegeen Jabhadda kale ee Alshabaab isla markaasna askar badan oo ka tirsan ciidamada Axmed Madoobe halkaasi ku xasuuqeen.

Axmed Madoobe waxaa Magaalada Kismaayo maanta ciidamada dawlada kiiniya kaga qaateen diyaarad nooca qumaatiga ah kaca ah isla markaasna waxaa lahga dejiyey farisiin ciidamada dawlada kiiniya ku leeyihiin duleedka magaalada Afmadow,waxaana loo soo galbiyey gudaha Magaalada Afmadow halkaasi oo ay ka socotey munaasabadda aaska askartii dhawaan Alshabaab ku dileen duleedka Afmadow.

Ciidamada dagaalkaasi kaga dhintey Jabhada Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay kor u dhaafeen 24 askari kuwaasi oo lagu wado in maanta lagu aaso xabaalaha duleedka Magaalada Afmadow isla markaasna lagu duugi doono xabaal wadareed halkaasi ilaa shalay laga qodayey.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay geerigaasi saameyn weyn ku yeelatey iyadoo ay noqoneyso todobaad gudihiis guul daradii labaad ee la soo deristey ee ku aadan dhinac dagaalada iyo siyaasada,waxaana la sheegayaa inuu Axmed Madoobe goob joog ka noqon doono meesha lagu aasayo ciidamadaasi.

Ugu dambeyntii waxaa lagu wadaa in galabta marka aaskaasi soo dhamaado Horjooge Axmed Madoobe uu dib ugu soo laabto Magaalada Kismaayo ee xarunta jubada Hoose. Horjooge Axmed Madoobe ayaa maalmihi la soo dhaafay ay la soo deristey arrin niyad xumo ah ka dib markii dawladda kiiniya iyo soomaaliya wada hadalkoodii su guul ah ku soo dhamaaday isla markaasna isla garteen in dekadda iyo garoonka kismaayo gacanta loo geliyo dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com